Ra’iisal wasaarihii la afgenbiyay ee Suudaan oo la sii daayay

SUDAAN – (WARSOOR) – Ra’iisal wasarihii la afgenbiyay ee dalka suudaan Cabdullaahi Xamduuk ayaa maanta laga sii daayay xabsi gurigii uu ku jiray tan iyo markii uu dalkaas ka dhacay afgenbigii military.

Telefishanka Qaranka Suudaan ayaa sheegay in ra’iisal wasaare Xamduuk kusoo laabtay qasriga madaxtooyada ee dalkaas kadib markii is afgarad dhax maray isaga iyo hoggaanka ciidamada.

Wasiirka warfaafinta dalka Suudaan  ayaa warbaahinta  isagu yeeray, si uu warbixin uga siiyo  xaaaladihii ugu danbeyay iyo sii deysmada ra’iisal wasaaraha.

Warbaahinta maxalliga ee dalkaas ayaa sheegeysa inuu jiro heshiis lagu soo celinaayo xukuumaddii rayidka sidoo kalena lagu sii deynaayo dadkii la xiray kadib afgenbigii dalkaas ka dhacay