Ra’iisal wasaare Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa la wadaagay ehelada dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadhooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay in ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay.