Raiisal Wasaaraha XFS oo Ka Hadlay Rabshadihii Ka Dhacay Muqdisho

MUQDISHO – (WARSOOR) – Raiisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay mudaharaadkii saaka ka dhacay magaaladsa Muqdisho ee ay hogaaminayeen musharixiinta Mucaaridka.

Raiisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa yidhi, “Aad baan uga xumahay wixii xalay & saaka ka dhacay Muqdisho. Dadaal ayaan ku bixinnay in laga baaqsado. Dibadbax nabadeed waa xaq dastuuri ah, balse dibadbax hubeysan MAYA.
Doorasho way dhacaysaa, shacabkana waxaan leeyahay: Nabadda aad u soo dhibtooteen yaan la idinka burburin”.