Raiisal Wasaaraha XFS oo Cambaareeyay qarax ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho – (WARSOOR) – Raโ€™iisul wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa manta cambaareeyey weerar kooxda Argagixisadda Al-shabaab ay ka geysteen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

โ€œWaan cambaareynayaa weerarkii ay argagixisada Alshabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawacba ay ka soo gaareen dad rayid ah oo ay ku jiraan arday ayuu yidhi Raiisal wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Raiisal wasaaraha ayaa falkaasi ku tilmaamay
mid bahalnimo oo caddeyn u ah sida kooxdan qalloocani ay ugu sii talax tageen daadinta dhiigga birimageydada si aan kala sooc lahayn.

Raiisal wasaare Rooble ayaa Ilaah uga baryay in uu u naxariisto dadkii wax ku noqday qaraxaasi isagoo intii ku dhaawacantayna u rajeeyay caafimaad qab, wuxuuna sidoo kale eheladii kula dardaarmay samir iyo iimaan .