Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson oo dareenkiisa la qaybsaday Shacbiga Somaliland

UK – (WARSOOR) – Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa dareenkiisa la qaybsaday Shacbiga Somaliland ee xalay masiibada dabku ku habsatay, waxaanu yidhi “Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka Hargeysa ka kacay ee burburka intaa le’eg ka kacay suuqa furan oo ah halbowlaha dhaqaalaha magaalada, kaasoo saameeyay ganacsiyo badan oo yar yar iyo qoys”.

Waxaanu isagoo hadalkiisa si wata yidhi”Magaaladiinu mar kale ayey dib u dhismi doontaa, UK-na waxay ku dadaali doontaa in aan taageerno dadaalka dib u dhiska ee Somaliland”.

Madaxweynaha Janhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabaya qoraalkaa Ra’iisal Wasaaraha ayaa yidhi “Waxa aan kaaga mahadcelinayaa taageerada Wakhtigan adag aad noo muujisay. Dabka ka kacay Suuqa Hargeysa, waxa uu saameeyey boqolaal ganacsi, waxaana socda qiimaynta lagu samaynayo Masiibadaa, waxa aanu idinla wadaagi doonaa qorshaha dib u dhiska iyo soo kabashada suuqan”.