R/Wasaare ku-xigeenka Dalka oo saxiixay Buug Tacsiyeed Safaaradda Jabuuti Looga Furay R/Wasaarihii Hore ee Dalkaasi

Mogadisho – (warsoor)- Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Md. Mahdi Mohamed Guulleed (Khadar) ayaa saxeexay buug tacsiyeed Safaaradda Jabuuti ku leedahay Soomaaliya ee Muqdisho looga furay Ra’iisul wasaarihii hore ee Jabuuti Marxuum Barkhat Gorad oo dalka Faransiiska ku geeriyooday.

Mudane Mahdi Maxamed Guulleed ayaa xusay in Marxuumka door weyn ka ciyaaray dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, bud dhigna uu ahaa haykalka dawladd-nimo iyo dhismaha Jamhuuriyadda Jabuuti isla markaana uu taariikhda labadda qaran-ba baal dahab ah ka geli doono ,isagoo qoyskiisa iyo asxaabtiisa iyo guud ahaan shacabka Jabuuti kaga tacsiyadeeyay geeridda Alle haw naxariiste Barkat.

“Rabi haw naxariistee marxuumku wuxu door laxaadle ka ciyaaray howlihii dib uheshiisiinta Shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale wuxu aasaas iyo astaan qurux badan u ahaa horumarka Jamhuuriyadda Jabuuti gaartay; ehelkiisi, shacabka dalkaasi ee aynu walaalaha nahay iyo guud ahaan asxaabtiisiiba waannu ka tacsiyadayna geerida ku timi marxuum Barkat Gourad” ayuu yidhi R/w xigeenka Soomaaliya Md Mahdi.

Marxuum Barkat Gorad Hamadou ayaa Raiisul Wasaare ka soo noqday Jabuuti intii u dhaxeysay 1978-dii – 2001dii.

 

xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.