Qoysaskii Roobabkii Hargaysa ka da’ay Saamaynta ku yeesheen oo Raashin la gaadhsiiyey

HARGEYSA – (WARSOOR) – Gudoomiyaha Hay’adda u diyaar garowga Masiibooyinka Iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Cali Sheekh oo uu weheliyo Maayarka Caasimadda hargaysa C/kariin Axmed Mooge ayaa Maanta deeq raashin ah iyo agab kaleba gaadhsiiyey qoysaskii uu saamaynta ku yeeshay roobabkii waaweynaa ee  Habeenadii la soo dhaafay Ka da’ay Caasimadda hargaysa.

Qoysaska la gaadhsiiyey Taakuladan ayaa ka koobnaa 116 Qoys kuwaas oo ku kala nool degmooyinka Maxamed Mooge iyo 31-ka May ee Caasimadda hargaysa.

Gudoomiyaha Hay’adda u diyaar garowga Masiibooyinka Iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa faahfaahin ka bixiyey inta ay deeqdani gaadhsiisan tahay Waxaanu sheegay in 81 Qoys oo ku dhaqan degmada Maxamed Mooge iyo 35 Qoys oo ku nool Degmada 31-ka May ay gargaarkan soo gaadhsiiyeen, Waxa uu Gudoomiyuhu sheegay inay Qoys Walba gaadhsiiyeen Raashin isugu Jira ( 20 Kiiloo oo Bariis ah, 20 Kiiloo oo Sonkor ah, 25 Kiiloo oo Daqiiq ah, 10 Kiiloo oo Baasto ah, Laba Caagadood oo Saliid ah,Hal Buste iyo hal bac).

Faysal Cali Sheekh waxa uu intaas ku daray inay hay’ad ahaan Marka ay dhibaato dhacdo ay Wixii taakulo ah gaadhsiiyaan Bulshada ay dhibta dhacday saamaynta ku yeelatay.

Sidoo kale Maayarka Caasimadda Hargaysa C.kariin Axmed Mooge ayaa dhankiisa u mahadnaqay Hay’adda u diyaar garowga Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka qaranka ee Deeqdan gaadhsiisay dadka danyarta ah ee ku dhaqan degmooyinkaasi ka tirsan Caasimadda hargaysa.