Qodobo ka soo baxay Shirkii 7-aad ee heer qaran ee gargaarka Gurmadka Deg dega ah ee Covid-19

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa maanta shir guddoomiyay shirka 7aad laha ah ee heer qaran ee Gargaarka Gurmadka Degdegga ah ee Korona-Fayras.

Shirkan waxa laga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen.

1. In uu kor-u-kac sameeyay tirada dadka uu ku dhacayo xanuunka Korona-Fayras, Taas oo keeni karta in Xannuunkani mar saddexaad ka dilaaco JSL.

2. In Kor u qaadis lagu sameeyo dardar galinta Gurmadka Degdegga ah ee Korona-Fayras;

3. Baaq ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka u dirtay shacabka Somaliland oo ku aadan qaadashada tallaalka Covid-19 Kaas oo hada diyaar ku ah xarumaha caafimaadka ee dhamaan magaalooyinka wadanka.

4. Ugu danbayn Waxaa la iskula qaatay in la dardar geliyo daawaynta iyo daryeelka bukaannada uu soo rito Korona-Fayras oo dhawrkii cisho ee u danbeeyay kor-u-kac ku yimid.

Geesta kale Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa ka digay xaalada cusub ee xanuunka Corona Virus isagoo bulshada ugu baaqay inay qaataan talaalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka waxa uu sheegay in Fayraskani yahay mid si deg deg ah ku fida saamayn weyna ku yeeshay aduunka somalilandna ay ka mid tahay meelaha uu saameyay Agaasimaha Guud waxa uu sheegay inuu dalka ku soo laba kacleeyay Cudurkani waxaanu bulshada ugu baaqay in ay qaataan Tallaalka Covid-19 isla markaana ay raacaan Habraaca ay wasaaradda Caafimaadku u dejisay ka hor taga xannuunkan.