Qiimaynta Maansadii iyo Shakhsiyaddii Nimcogabaydo IHUN!

16kii Juun 2015ka oo ku beegnayd ku-dhawaad saddex bilood ka-dib geeridii Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-gabaydo) ayuu Boobe Yuusuf Ducaale oo qoraya qormadii labaad ee Hormaynta Qalin-ma-koobaan: Diiwaanka Maansada Cali Mooge Geeddi uu maqaalkaas ku gunaanaday: “Waxaynu suganaaba waa Diiwaankan la yaabka leh ee Cali Mooge Geeddi, Ilaahay ha inagu simo intii ka gurmatayna ha ka abaal-mariyo.

Waxan soo jeedin lahaa in aynu ku xigsiinno Diiwaankii Nimco Gabaydo, naxariistii Janno dhammaantood Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Aammiinta igu dara”. Weedhaasi waxa ay muujinaysaa sidii ay Boobe Yuusuf Ducaale ugu weynayd in la qoro suugaantii iyo sooyaalkii taariikheed ee Nimco-Gabaydo.

Laba sano iyo saddex bilood ka-dib markii uu qoraalkaas baahiyay oo ku beegan 9kii Sebtember 2017ka ayaan Boobe Yuusuf Ducaale u sheegay in aanu diyaarinnay buuggii Nimco-gabaydo, isla markaana aanu kulminnay intii aanu tixdeeda iyo taariikhdeeda ka helnay, waxaanu iigu warceliyay sidan: “War ka wanaagsan oo aan maqlo garan maayo. Ilaahay ha idinka abaal-mariyo, iyadana naxariistii Janno ha ka waraabiyo”.

Marka laga yimaaddo dareenkiisaa farxadda ah ee uu muujiyay iyo sida uu u soo dhaweeyay rumaynta saadaal uu qabay, waxa uu talo iyo tilmaan naga siiyay hannaanka loo heli karo maansooyin naga maqnaa, habka daabacaadda loo hirgelin karo iyo tusaalayn badan. Ugu dambayntii waxa aan u bandhigay in uu weedh ka yidhaahdo shakhsiyaddii iyo suugaantii Nimco Aadan Hurre.

Wax ay maalmuhu is-guraanba, 12kii Julaay 2018ka, maalin Hakis-bila (Jimce) ah ayaan tegay guriga Boobe Yuusuf Ducaale xilli galab ah, si aan uga duubo weedh uu ku qiimeeyo shakhsiyaddii Nimco Aadan Hurre (Nimco-gabaydo) Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo e’ .

Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo faallaynaya qofnimadii iyo tixdii Nimco Aadan Hurre (Gabaydo) waxa uu yidhi:

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Maanta oo ay bishu tahay 12kii Julaay 2018ka, waxaan waxoogaa yar ka odhanayaa Nimco Aadan Hurre oo loo yaqaannay Nimco-gabaydo. Soomaalidu waxay tidhaahdaa: “Dhegta ayaa ka da’ weyn isha”, Maah-maah kale ayaa ahayd: “Dhagax meel dhow ayuu ku dhacaa, dhawaaqna meel dheer.” Maqalkeeda ayaa igaga soo horreeyay aragtideeda.

Shaashadaha warbaahinta ayaan ka arkay Nimco oo gabyaysa. Badanaa in qofka dumarka ahi ay buraanbur tiriso ayaa loo ogaa. Laakiin maansooyinkii ugu badnaa ee aan Nimco ka maqlo ama ka daawadaa waxay ahaayeen gabay, waxa aan is-idhi sidaas ayaa loogu bixiyay Nimco-Gabaydo.

Waa tan Soomaalidu tidhaahdo siyaabaha ay qofka maansadu ugu timaaddo ee uu hal-abuurka ku noqdo waxa ka mid ah hiddaha. Dabadeedna Nimco awowgeed hooyo Aw Jaamac Gacalow ayaa ka mid ahaa dadkii ugu caansanaa ee 1940nadii ama 1930nadii ka gabyi jiray maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland.

Awowgeed waa gabayaagii curiyay gabayga ay tuducyadiisa ka mid yihiin:

“Midh kabriidi meel lagu shiduu, murux ka yeelaaye,
Mintid fara-yar midhihii bataa, kama macaashaane,
Haddii ay mishiinnadu qarxaan, mawdka loo simane,”

Nimco sidaas ayaannu isku barannay oo dad is-yaqaanna ayaannu noqonnay. Dabadeedna in badan ayaan u soo joogay mawaadiic xiise badan oo ay ka gabyayso. Waxa ka mid ahaa tixda qiimaha la yaabka leh ee ay Hooyada milge iyo maamuusba uga dhigayso. Waa tixda ay maddanaha aan tirmayn ku dhigtay ee Hooyada hal-ku-dheggeeduna yahay: “Sow annaga maaha” Dareenka iyo qiirada ay tebinteeda u adeegsanayso ayaan wax loo dhigaaba jirin.

Tixdii ugu saamaynta badnaydna ee ay Nimco tirisaa waxay ahayd tii ugu dambaysay ee ay tiriso iyada oo gogosha saaran oo malaha il-geeriyaad leh. Waxay ahayd maanso gabay ah oo “La’lay” ah oo ay wiilkeeda kula hadlaysay. Ilmo ayaa kaa imanaysa marka ay maansadaas tirinayso.

Gabaygan oo magaciisa loo bixiyay Dardaaran-waalid, waxa meerisyadiisa ka mid ah kuwan:

“Xasanaw anoon weli “lac” odhan, laamaddoodsina ah
Tixdaan xalayto laylkii akhriyay, ama’se lay dhiibay
Ee laygu daabacay qalbiga, aniga oo laaban
Iyo Laamka maansada adaan, kuu laqimayaaye
Ladanaw intaan xay aheen, layna kala aasin
Lafta dhabarka waaniyo murtaan, kaaga lulayaaye
Laabtiyo dhegaha ii fur oo, laabid hadalkayga

Nin-liid hooyo haw dhurannin oo, cadawga haw liicin
Markuu laan ka booduu dantana, laqan ka boodaaye
Layli iyo intaad wiil yar tahay, liilso taladaada
Ha ka leexan dawgii Janniyo, lawga iyo tooska
Luuq-luuq Iblays iyo ha marin, laamiyada naarta
Hayska laabin khayrkoo sharkana, liisan ha u qaadan
Ha laayicin xaqoo baaddilkana, looyar ha u noqonnin
Ha laasimin dulmiga oo cadliga, samada ha u laalin”

Waxa kale oo saamayn igu lahaa laba maanso oo Jiiftooyin ah oo Fa’lay ah oo ka mid ahaa silsilad la yidhaahdo Faafreeb, taas oo ahayd taxane suugaan ah oo lagu naqdiyay nidaamkii ka talinayay dalka intii u dhexaysay 2010kii illaa 2017kii.

Nimco sidaas ayaannu isku barannay. Badaha maansadana kuwo ay gabayga, jiiftada iyo qaar kale ka mid yihiin ayay ku gabyi jirtay. Waxa aan ku garanayaa, ku xasuustaa oo aan ku qiimaynayaa Nimco inay ahayd qof aan aragtideeda, fekerkeeda, mabda’eeda iyo odhaahda ay odhanayso aan beystaynno ama lacag siisan. Qof keni-adag ayay ahayd.

Waxay ahayd qof u taagan in ay ka gabaydo ama ka maansooto mawaadiicda taabanaysa nolosha dadka ee kala duwan ee xuquuqda leh, ee siyasaadda leh, ee daacadnimada wanaagga iyo maamul-hufnaanta leh. Sidaas ayaan Nimco ku garanayaa. Naxariistii janno Alle ha ka waraabiyo.

In suugaanteeda la qoraa waa xil ummadda cid walba saaran. In uu qoro Siciid Maxamuud Gahayr iyo wiilkeedii oo waajibkaasi ku soo baxsadayna waa hawl culus oo aad gudateen. Xil aad naga furateen weeye.

Waa xil aannu idiinka abaal-celinaynno oo aan idiinka mahad celinaynno. Intaas aad idinku geysateenna waxa aan filayaa in ay dad badani ku darsan doonaan dedaal kale oo ah in ay idin kala qayb galaan sidii suugaantaas loo higelin lahaa, loo daabici lahaa, loo kaydin lahaa, loona iib geyn lahaa”

Waxaan is-leeyahay Nijmco-gabaydo dhiggeeda dheddig iyo labba leh ee maansayahannada ah waxay dheereyd TEBINTA. Dareen iyo soo-jeed ayay ku gudbin jirtay si ay quluubta dadka u gaadhsiiso. Nimco ma ay abbaari jirin dhegaha dadka oo keliya bal se dareenkooda iyo duunkooda hoose ayay la hadli jirtay.

Wejiga guud ahaan, debneheeda, indhaheeda siday ereyadu saamaynta ugu lahaayeen mar mar ayay hadalkaba ku yar margan jirtay. Waxay dhaqan u lahayd in ay sheeko yar ka horreysiiso maansooyinkeeda oo ibo-fur u noqdo. Duruuf kasta oo soo martay qof han weyn oo aan marna waayaha u liicin, qaddarka Eebbena aamminsanayd ayay ahayd.
Maansadeedii iyo hannaankii tebineed:

“Marka aan xusuus ula noqdaba, xiise ii qabay.”

Boobe Yuusuf Ducaale

Ruug-caddaa halgameed, Suxufi, Cilmi-baadhe, Qoraa, Suugaanyahan, Wasiirkii Hore ee Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland.

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap