Qaybo Ka Mid ah Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta Xidhan

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xireen qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Magalada muqdisho, iyaga oo u diidaya Gaadiidka daweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay iyo Mooto Bajaajta inay wadooyinka qaar isticmaalaan.

Wadooyinka muhiimka ah ee Maanta xiran ayaa waxaa kamid ah qeybo kamid ah wadada Maka-Almukarama,Wadooyinka soo gala degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi iyo Wadada Isgoyska Jubba, iyada oo lagu arkayo Ciidamada Dowladda oo u diidaya isticmaalka gaadiidka kala duwan.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada ay inta badan fasaxayaan Basaska wada Ardayda Iskuulada u socda iyo gawaarida lagu wado dadka xanuunsan, hayeeshee Gaadiidka caadiga ah ee dadweynaha loo diidayo inay wadooyinka qaar maraan.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 25-ka December waxaa lagu waddaa in loo dabaal dego maalinta aas aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed oo dib loo dhigay muddo Shan maalmood ah, waxaana lagu waddaa in uu ka qeyb galo Madaxweynaha Muddo xileedkiiso dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.