Qaraxyo waa weyn oo ka dhacay caasimadda Ukraine ee Kyiv

Yukrayn – (WARSOOR) – Dhawaqa qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlay subaxnimadii hore ee saaka Caasimadda Dalka Ukraine Kyiv.

Caasimadda Dalka ukraine ayaa waxa ka jira bandow xagga isu socodka Bulshadda ah iyadoo la arkayo waddooyinka halbowleyaasha ah oo guud ahaan ba faaruq ah.

Madaxweynaha Ukraine ayaa fariin u diray ciidamadda Difaaca ee ku sugan faranta hore isagoo sheegay in Cadowgu adeegsan doono dhammaan ciidamada uu heli karo si ay u jabiyaan iska caabinta Ciidanka Ukraine.