Qaraxyo Muqdisho Ka Dhacay oo Dhimasho iyo Dhaawacba Sababay

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa galinkii dambe ee Jimcaha magaaladda Muqdisho ka dhacay saddex qarax oo waaweyn oo kuwaasi oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo hantiba isugu jiraa. Qaraxyaddan waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay dad kor u dhaafaya 20 qof.

Qaraxyaddan ayaa ka dhacay waddada hor marta huteelka Saxafi iyo xarunta ciidamadda sirdoonka Soomaaliya. Gaar ahaan dhinaca wadda kiiloo mitir 4 iyo xarunta Soobe.

Qaraxyaddan oo lagu bartilmaameedsanaayey huteel Saxafi ayaa markii qaraxu dhacay ka dib dabayl ismiidaamiyaal ah ayaa isku dayey inay guddaha u galaan huteel Saxafi, balse waxaa ka hortagay Ilaaladii huteel iyo ciidamada Sirdoonka waxaanay goobtaasi ku khaarajiyeen dablaydii doonaysay inay huteelka guddaha u galaan.

Warka laga helaayo goobaha caafimaadka ayaa sheegaya in dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay aad uga badan yihiin inta la shaaciyey.

Afhayeenka Ciidamadda Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay warbaahinta ayaa weerarkan ismiidaaminta ah ku eedeeyey xarakadda Al-shabaab, waxaanu afhayeenku sheegay inay weerarkaasi ay ku dileen 6 ka mix ah dablaydii hubaysnayd ee doonaayey inay gudaha u galaan huteel Saxafi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.