Qarax sababay waxyeello kala duwan oo saaka ka dhacay Degmada Hodan

Muqdisho – (WARSOOR)- Kooxaha Argagixisada ee Al-Shabaab ayaa saaka gaari ay ka buuxeen walxaha qarxa la beegsaday dad rayid ah oo ku sugnaa degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in abaarihii 0732 uu Qarax gaari ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Tarabuunka iyo Guriga Ex.M. Cabdiqaasim gaar ahaan afaafka Hore ee Iskuulka Mucaasir oo ku yaalla kasoo horjeedka Dugsga sare Banaadir .

Boliiska  ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay qaraxaasi uu yahay 8 dhimasho ah iyo 17 dhaawac ah,ka dib markii Gaariga Noociisu ahaa Surf ,oo ka yimid dhanka Tarbuunka uu isku dayey in uu beegsado Baabuurta ilaalada UN.ka ee Looyaqaano Duguf Security.

Cadawga argagixisada ah ayaa caadeystay beegsiga goobaha dadweynaha sida Waxbarashada, caafimaadka, iyo goobaha kale ee bulshada loogu adeego, taas oo ka dhigan in uu dagaal kula jiro noloshada dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.