Qarax ka dhacay duleedka Jowhar oo Khasaare Geystay

JOWHAR – (WARSOOR) – Afar qof oo rayid ah ayaa geeriyooday kadib markii Mooto Bajaaj ay la socdeen ay la qaraxday miino waddada lagu aasay, duleedka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle.

Qaraxan ayaa ka dhacay meel u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha oo ku yaalla banaanka magaalada. Goobta uu qaraxa ka dhacay waa wadada loo maro garoonka diyaaradaha.

Dadkan qaraxa ku dhintay marka laga reebo wadaha mootada, inta kale waxay ahayeen ganaacsato caan ka ah magaalada Jowhar. Lama oga cida lala damacsanaa qaraxan Jowhar, sidoo kalena ma jirta koox iyo illaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda.

Magaalada Jowhar waxaa dhowaanahan ka dhacay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa magaalada hadda ka maqan dhammaan madaxda maamulka HirShabeelle oo ku sugan magaalada Beledweyne, halkaasi oo la filayo in sidoo kale ay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka.