Qarax is-miidaamin ah oo lala beegsaday bas marayey meel u dhow Kampala

KAMPALA – (WARSOOR) – Booliska Uganda ayaa sheegay in qarax habeenkii Isniintii lala beegsaday bas, kaasi oo ay dhowr qof ku dhaawacmeen, uu ahaa is-miidaamin uu fuliyey jihadi ka tirsan kooxda ADF.

“Dhacdadaas waxaa la xaqiijiyey inay aheyd qarax is-miidaamin ah, oo qofkii fuliyey uu ku dhintay,” waxaa sidaas maanta yiri afhayeenka booliska Fred Enanga.

Enanga ayaa sheegay in is-miidaamiyaha uu ku jiray “liiska xubnaha la raadinayo” ee kooxda Xoogagga Isbaheystay ee Dimqoraadiyadda ama Allied Democratic Forces (ADF).

Qaraxa oo ka dhacay bas marayey meel u dhow caasimadda Kampala ayaa yimid laba maalin kadib markii qarax habeenkii Isniinta ka dhacay maqaayad ku taalla waqooyiga Kampala uu ku dhintay hal qof.

Enanga ayaa sheegay inay aas-aaseen “isku xirnaan aad u sarreysa” oo ka dhaxeysa labada weerar.

“Shaqsiyaadkan ama kooxaha diyaarinaya qaraxyada waxay ka tirsan yihiin isla hal koox,” ayuu yiri Enanga.

Kooxda aadka looga cabsado ee ADF, oo ah koox mucaarad ah oo taraiikh fog ku leh Uganda, ayaa lagu eedeeyey dilka kumanaan qof oo ahaa shacab ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Bishii March, dowladda Mareykanka ayaa kooxda ADF la xiriirisay kooxda Daacish.

Kaniisadda Katooliga ee Congo ayaa sheegtay in ADF ay dileen qiyaasti 6,000 oo qof tan iyo 2013.

Booliska ayaa horey u sheegay in weerarkii habeenkii Sabtida uu ahaa “ficil argagixiso oo gudaha ah,” waxaana goor dambe mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Daacish.

AFP