Qaramada Midoobey oo digtay isbeddelka cimiladda

Qaramada Midoobey ayaa warbixin ay soo saartay sannadkii 2019 waxa ay ka digtay in isbeddelka cimiladu uu saamayn taban ku yeelan doono dalagga beeraha ee adduunka.
Warbixintan oo ay faafisay shabakadda Aljazeera waxa ay xustay in heerkulka kordhay, wasakhowga hawada, dabargoynta dhirta iyo waxyeellaynta deegaankuba ay si xun u dhaawaci doonaan guud ahaan waxsoosaarka beeraha. Waxa aanay si gaar ah u magacowday cuntooyinka dunida laga jecelyahay ee haddii xaalku sida hadda ku socdo la saadaalinayo in ay dabar go’aan, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  1. Boqolkiiba 60 ka mid ah beeraha Badarka (Sareenka, qamandiga, hadhuudhka, gellayda, bariiska iwm) ayaa ay xaaladdani saamayn doontaa. Marka la gaadho sannadka 2050 ka waxsoosaarka badarku boqolkiiba 30 ayaa uu hoos u dhaci doonaa.
    Badarka iyo cuntooyinka laga sameeyo ayaa ka mid ah cuntada aasaasiga u ah aadamaha adduunka.
  2. Boqolkiiba 80 ka mid ah dhulka laga beero bunka ee badhtamaha qaaradda Ameerika iyo Baraasiil ayaa ay ciiddu waayi doontaa nafaqada iyo macdanaha caawiya bixitaankiisa, sida oo kale kor u kaca heerkulka iyo uumi baxa ayaa dili doona Ciidda uu bunku ka baxo ee qaaradda Afrika, taas oo sababi doonta in bunka la waayo qiyaas ahaan boqolkiiba 65 illaa 100. Waxsoosaarka bunka ayaa la saadaalinayaa inu uu ku hadhi doono dalal kooban oo qaaradda Aasiya ah.
  3. Shaglaydhka (Chocolate) ayaa ay qaramada midoobey sheegtay in isagana midhaha laga sameeyaa ay dunida ku yaraan doonaan. Sannadkii 2013 markii la joogay ayaa sababo isla cimilada la xidhiidha ayaa boqolkiiba 20 hoos u rideen waxsoosaarka midhaha Cacao ee laga sameeyo.
    Marka la gaadho sannadka 2030 kana waxaa la saadaalinayaa dalalka Ghana iyo Ivory Coast oo leh waxsoosaarka dunida ugu badan ee midhahani in ay ciiddoodu noqon doonto mid aan ku habboonayn beerashada Cacao ga.
  4. Saamaynta taban ee heerkulka kordhaya iyo wasakhowga deegaanku ku hayaan biyaha badda awgood, waxaa yaraan doona ama la waayi doono qaybo badan oo ka mid ah cuntooyinka badda laga helo ah.
    Wasakhowga deegaanka iyo korodhka Karboon laba ogsaydh ka (Carbon dioxide) iyo biyaha sii kululaanaya ayaa iyaguna sababi doona in boqolkiiba 25 ay korodho asiidha (Acid) biyaha baduhu, taas oo dhibteedii imikaba la arkay, kaddib markii ay tobankii sano ee ka horreeyey 2019 uu boqolkiiba 70 hoos u dhacay xaddiga kalluunka Nooca sardiinka ee lagala soo baxo badda Midhatereeniyaanka.
  5. Midhaha afakaadhada ayaa iyaguna noqon doona Khudaarta ugu horreysa ee uu galaafanayo heerkula kordhayaa. Beerista Afakaadhada oo biyo aad u badan u baahan awgeed, biyo yaraanta iyo abaaraha ka dhalanaya heerkulka iyo wasakhowga hawada ayaa galaafan doonaan waxsoosaarka Afakaadhada.
  6. Cinabka ayaa isna lumin doono tayada iyo dhadhanka fiican ee uu caanka ku yahay. Kor u kaca heerkulka oo sannadka 2100 gaadhi doono laba darajo, ayaa burburin doona boqolkiiba 56 ciidda ku habboon beerashada cinabka oo dhirta xasaasiga ah ka mid ah.

  • Qorshaynt:
  • Jamaal Marjaan