Qaramada midoobay oo sheegtay inay Soomaaliya kusoo celisay Qaxootigii ugu badnaa

Nairobi-(warsoor )-War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska hay’adda xaqootiga adduunka ee UNHCR ay ku leedahay Magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay inay Dalka Soomaaliya dib ugu celisay 60,000 Dad ku dhow Lix Kun oo Qof oo ka tirsanaa Qaxootiga Dhadhaab.

Dadkan ay hay’addu sheegtay iney kusoo celisay Soomaaliya ayaa u badan Carruur, Haween iyo Waayeel, waxanay intaa ku dartay UNHCR iney weli socdaan howlaha daad gureynta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kenya.

UNHCR ayaa intaa ku dartay inay tan iyo Bishii December 2014-kii Soomaaliya dib ugu soo celisay 59,829 oo Qaxooti ah, kuwaasoo iyaga go’aansaday iney si madax bannaan ugu laabtaan Dalkooda Hooyo.

25-kii March ee Sanadkan ayay ahayd markii ay madaxda IGAD isugu yimmaaddeen Magaalada Nairobi shir looga hadlayay xaaladda Gobolka iyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kenya.

Tallaabadan ay QM laanteeda Qaxootiga qaadday ayaa waxay qayb ka tahay heshiis Saddex geesood ahaa oo ay horay u wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.