Puntland oo War kasoo saartay Dagaal lagu dilay Sarkaal Ciidan iyo Askar

PUNTLAND – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ka hadlay dagaalkii khasaaraha geystay ee gelinkii dambe ee shalay ka dhacay koonfurta Gobolka Mudug dhanka xigta Galmudug.

Guddoomiye Cabdiladiif Muuse ayaa marka hore tacsi u diray qoysaska Sarkaal iyo Askar ka tirsaneyd Ciidamada daraawiishta Maamulka Galmudug oo ku geeriyooday dagaal Culus oo ka dhacay degaanka Shabeelow ee Mudug.

Sidoo kale Guddoomiyaha oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee howlgalka ka dhan ah Al-shabaab ka wada Degmooyinka Koonfurta Gobolka Mudug ugu rajeeyay guul Shabaabka looga saarayo Gobolka.

“Anigoo ku hadlaya Magacayga iyo kan shacabka Gobolka Mudug waxaan Bulshada Galmudug uga tacsiyeynayaa shuhadadii ku shahiiday Dagaalkii ka dhan ka ahaa Al-shabaab kaasoo ka dhacay aaga Deegaanka shabeelow ee koonturta Gobolka Mudug, waxaan xanuunka geerida la qayb sanaynaa walaalahayo Galmudug, Allaha Naxariistii jano haka waraabiyo” ayuu yiri Cabdiladiif Muuse.

Dagaal culus ayaa shalay waxaa uu Ciidanka daraawiishta Galmudug iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Shabeelow, waxaana dagaalka uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka ay weerar ku qaadeen Saldhig ay lahaayeen Shabaabka.

Inta la xaqiijiyay 5 Askari oo uu ku jiray Taliyihii Ururka Horseed ee daraawishta Galmudug Gaashaanle Maxamed Cali Salaad ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka 10 kalena oo Askari ay ku dhaawacmeen, sidoo kalena lagu gubay gaari Tikniko ah.