GAROOWE – (WARSOOR) – Magaalooyinka Qardho, Eyl, iyo Ufeyn ayaa saaka Dadku waxa ay uga dareereen Goobaha Codbixinta si ay u soo doortaan Goleyaasha Deegaanka ee hogaamin doona Magaalooyinkaasi.
Dadka ayaa salaadii subax ee saaka ka dib waxa ay galeen Safafka, waxaana goor dhaw si rasmi ah u bilaabmi doonta codbixinta doorashooyinkan oo noqonaysa markii ugu horeysay ee Puntland looga dareero.
Najax Aadan Cunaaye.