Prof Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Sheegay In Uu Fikrad Khaldan U Arko In Dhib Somaliland Ka Jira Xal Looga Raadiyo Xukun Militari

Hargeysa – (warsoor) – Prof Ismaaciil Hurre Buubaa , ayaa si adag uga soo horjeestay xukunka Milateri ee ay Xukuumadddu ku soo rogtay magaalooyinka Ceerigaabo, Gar-adag iyo Ceel-af weyn , waxaanu sheegay in wax xal ah lagu gaadhi karrin xukunkaa Milateri, isla markaana uu sababayo inay dadku sii kacaan ,  isagoo sheegay in aan 29 sano ee ay Somaliland jirtay aan xukun Milateri lagu xalin mashaakilaadkii ay kasoo gudub-tay, balse lagu xalin jiray xukun Madani ah, waxaanu ugu baaqay Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay ksi degdeg ah arrintaasi uga laabato.

Prof Buubaa ayaa ku tilmaamay Xukunka Milateri ee ay Xukuumadddu kusoo rogtay sadex-da Degmo ee Ceerigaabo, Gar-adag,Ceel-afweyn figrad khaldan, waxaanu sheegay in aan guul lagu gaadhi Karin marnaba Xukunkaas Milateri isagoo tusaale u soo qaatay Siyaad Barre , waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan :“Waayo waddanka iyo waddankii aynu isku waddanka ahaan jirnay ee Soomaaliya labadaba dhibaatooyinka weyn ee ka taagan waxa dhaliyey Xukun Milateri wixii inaga soo qabsadayna weynu ogsoonahay Xukunkaas Milateri , maanta in la yidhaah-do Xukun Milateri ayaa xal u noqonaya dhibaatooyin Somaliland ka taagan annigu waxaan u arkaa inay figrad khalad ah tahay arrin aan shaqaynay ay tahay dadka inay kicinayso , halka laga raadin lahaa deganaansho dadku inuu sii kici doono oo ay dhibaatooyin fara badani ka iman karaan sidaas awadeed anniga waxay ila tahay inay dowladu inay arrintaas dib uga noqoto Madaxweynuhu ka noqdo arrintaas , baarlamaanka aqlabiyadii fadhiday may ogolayn qoontaa ay Dowaldu soo jeedisay Baarlamanka hoggaankiisuna siduu u dhaqmay waa si lala yaabo oo shaki gelinaysa inuu u qalmo hoggaankaasi inuu sii waddo baarlamaanka ay u taalo .baarlamaanka oo aan odhan lahaa inay arrintaasi si wanaagsan uga fiirsadaan oo ay dhibaatada baarlamanka dhex-diisa taala shaqo ka qabtaan.”

Waxaanu intaasi ku sii daray Prof Buubaa “Xukun Milateri ayaa xal u ah maanta dhibaatooyinka Somaliland taagan waxay ila tahay figrad khalad ah inay tahay figrad in laga noqdo ay tahay ,Waxay anniga ila tahay arragti la’aan iyo khibrad la’aan, idho la’aan oo isku wada darsamay ayaa figradan ka dambeeya, sidaan horeba u idhiba figradaas si deg deg ah ayaa loo baahayn Dowladu inay dib uga noqoto,xalku waa inuu noqdaa xukun madani ah ayaa arrimahan xaliya .”

Dhanka kalene Prof Buubaa ayaa sheegay in aan xukun Milateri marnaba lagu xalin dhibaatooyinkii soo maray Somaliland, waxaanu tilmaamay qaabkii lagu xalin jiray “Dhibaatooyinkii Somaliland soo maray oo dhan mid xoog cidi ku xalisay ma jirin had iyo gooraale kolkay dhibaato timaado wada haddal iyo arrinta falaqayn ayaa lagu xalin jiray , arrintana waxay u baahan-tahay milateri uma baahnee booliska oo shaqadiisa si wanaagansan u qabsada dabiilayaasha dabiga geysatay foosha xun ka daba taga soo qabta dad weynaha degan goboladaasi inay siiyaan gacan booliska iyo Hay’addaha amniga eek u shuqul leh arrintaasi sidii wax looga qaban lahaa odayaasha wax-garadka madax-dhaqameedka intaba in laga shaqaysiiyo oo arrinta lagu soo celiyo deganaansho ayaa loo baahan yahay .”Ayuu yidhi Buubaa

Geesta kalene Prof Ismaaciil Buuubaa ayaa sheegay inay caalamku  ku aamini jireen Somaliland qaabka ay u xaliso mashaakilaadka dhex—deeda , waxaanu sheegay inay khalad tahay in Xukuumada hadda jirtaa ay tidhaah Xoog iyo Milateri ayaan ku xalinayaa mushkilada Sanaag “Somaliland sideedaba caalamka magac iyo muuqaalba ay ku leedahay waxa weeyaan sida degan ee madaniga ah ee salmi ah had iyo gooraale ay dhibaatooyinka u xalin jirtay , lakiin’se xoog iyo milateri cunfi ayaan ku xalinayaa mashaakilka wadanka ka yaala anniga waxay ila tahay inay arrimo aad u khaldan ay yihiin .geedi socodka nabadaynta iyo deganaanshaha Somaliland wax kolaba xukun milateri uu keenay may dhicin tana ma keeni karto , waxaana loo baahan yahay daganaanshu inuu noqdo mid dadka ka timi ee  mid dadka dusha lagaga keenay in aanay noqon , sidaas awadeed waxay ila yahay inay arrintani ay u baahan tahay in si degan oo dadku raali ka yahay in loo galo.”Ayuu yidhi

Ugu Dambayn Prof Buubaa ayaa ugu baaqay Xukuumaddda Madaxweyne Biixi inay ku dhaqanto talaabooyinkii ay qaadi jireen Dowladii hore markii ay dhibaato dhac-do “Arrintan la leeyahay waxa lagu soo rogay Sanaag qofka Hargeysa jooga haddii loo xidho waxa weeye  sharcigaasi waa mid waddankii oo dhan lagu soo rogay, kolkaad u fiirsato siday u hadlayeen madax-da Milateriga iyo Boolisku ay arrintaasi uga hadlayeen waxa aad iyo aad u muuqatay in arrintu ay u muuqato in Xukun Milateri wadanka oo dhan-ba lagu soo wada rogay, sidaas awadeed anniga waxay ila tahay is afgaran waaga noocaas oo kale siyaasada uu qaribaa , Dowladana waxay u baahan tahay inay ku dhaqanto siyaabihii ay Dowladii ka horeeyey ay u dhaqmi jireen kolkay dhibaato timaado in si salmi ah oo Milaterigu aanu xukunka la wareegin ee Hay’addaha waddanka ee ku shuqul leh arrintaas inay shaqadooda qabdadaan wixii ka dhimana ee tayayn ahna la tayeeyo si ay shaqadooda u qabsadaan.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.