Nuxurka Khudbaddii Uu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Ah-na Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga WADDANI Cirro Ka Jeeddiyey Furitaanka Shir-weynaha Labaad Ee Xisbiga WADDANI

Hargeysa – (WARSOOR)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Ah-na Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Ayaa khudbad Dheer oo Dhinacyo Badan taabanaysa ka Jeeddiyey furitaanka Shir-weynaha Labaad Ee Xisbiga WADDANI oo Maanta ka furmay Hargeysa.

Guddoomiye Cirro, Ayaa khudbadiisa kaga hadlay marxaladda waddanku marayo, Sicir bararka, Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Doorashooyinka iyo Qorsheyaasha Xisbiga WADDANI ee Doorashadda Madaxtooyadda ee soo socota.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu khudbadiisa ku sheegay inuu ka hadhay mar labaad inuu u tartamo Jagadda Guddoomiyaha ee Xisbiga WADDANI, isaga oo xusay inuu fursad siinayo madaxda kale ee Xisbiga WADDANI.

Khudbadan Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo dhamaystirani Waxay u Dhignayd Siddan:

“KHUDBADDA SHIRWEYNAHA 2AAD
EE GUDDOOMIYAHA XISBIGA WADDANI
Taariikh: 15ka November 2021.
Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Marwooyin iyo Mudanayaal,

ALXAMDU LILAAHI WAXDAH, WA-SALAATU WA-SALAAMU CALAA MAN LAA NABIYA BACDAH.

Dhammaan ergooyinka ka soo qeyb galay Shir-weynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI, Dhammaan Asaasayaashii Xisbiga WADDANI, Dhammaan hawl-wadeennada Xisbiga ee Gobollada, Degmooyinka iyo Laamaha Dibedda, Madaxda Axsaabta Qaranka, Guddida Diiwaan-gelinta Ururradda Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, Guddida Doorashooyinka Qaranka, Dhammaan Madax-da Dhaqanka, Dhammaan marti-sharafta kale iyo Saxaafadda ee ka Soo qeyb galay Shir-weynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI, Assalaamu Caleykum wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu.

Sidda oo kale waxa aan salaan qaaliya Hawadda u marinayaa Dhammaan Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaanna taageerayaasha baaxadda leh ee Xisbiga WADDANI ee Guddaha iyo Dibeddaba ku nool.

Waxa aan sida oo kale mahadnaq balaadhan oo huwan Maamuusi yo sharafba u jeedinayaa Guddoomiyihii iyo Dhammaan Xubnihii Guddida Qaban-qaabada Shir-weynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI ee muddada soo wadday- Jazaakallahu kheyran, anigoo og hawshii baaxadda lahayd ee ay soo galeen waxaan codsanayaa in sacab mugweyn loo tumo.
Intaa kaddib, waxa aan u duceynaynaa Dhammaan Madax-dii iyo xubnihii Xisbigan WADDANI aasaasay, tacabka badan geliyey isla markaana Ilaahay oofsaday, walaalayaal aynu Faataxada u marno in Ilaahay Jannooyinkiisa ku casuumo. Si gaar ah, waxa aan Shir-weynaha ugu Xusayaa Madaxdii Xisbigan dhidibadda u taagtay Marxuum Cabdillaahi Siciid Dheere, Marxuum Cabdishakuur Sh Cali Jawhar, iyo Guddoomiyihii Garabkayagii UCID Marxuum Aadan Maxamed Mirre (Waqaf).

  1. Kaalintii Xisbiga WADDANI ee Hannaanka Dimuqraadiyadda & Axsaabta badan:

Marooyin & Mudanayaal.

Sida la wada ogyahay Xisbiga WADDANI waa Xisbiga ugu da’da yar Xisbiyada Qaranka, marka la eego intii uu jiray waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay Xisbiga ugu koritaanka badan, isla markaana ugu curinta badan axsaabta Qaranka, waxaa mahadsan kaadirkii XISBIGA WADDANI ee halkaa uu maanta joogo soo gaadhsiiyey hablo iyo ragba, cid kasta oo Xisbiga maalin irbad dun u gelisayna waan u mahadnaqayaa, abaalka Xisbiga ay ku leeyihiinna ogaal weyn baan u leenahay.

Marwooyin & Mudanayaal.

Xisbiga WADDANI waxa uu ka dhashay dareen iyo go’aan ah in dib loo culo weelka siyaasadda, lana keeno dhiig cusub iyo maskax firfircoon oo lagu dardarelinayo xaqiijinta himilooyinka umadda reer Somaliland ay leedahay. Waxa uu albaabo cusub u furay da’yarta si ay xooggooda maskax iyo muruqba ugu dhisi lahaayeen dalkooda maantana markhaatigaas waad ka aragtaan Siyaasiyiinta culus ee dhalinyarada ah ee uu Xisbigu u soo saaray Jamhuuryadda Somaliland. Xisbigu waxa uu Bulsho weynta Somaliland ku hoggaaminayaa hiiraal iyo hiigsi mideysan bari, badhtamaha iyo Galbeedka.

Waxa Iyana siyaasiyan kalifay in la aasaaso Xisbiga WADDANI waxa uu ahaa in la helo is aaminaad bulsho, oo ah ta maanta keentay in Xisbiga WADDANI dhexdiisa ay ka dhalato hoggaamin la sharribay, siyaasiyiin da’yar oo Xisbiga lagu dhex carbiyey, iyo Waayeel iyo Maskax shilis oo Xisbiga dhexdiisa fikradaha wax ku oolka curiya si jiilasha danbe loogu abuuro nolol ka wanaagsan ta maanta.
Xisbiga WADDANI, waxa uu kor u qaaday ka qeybgalka Siyaasadda ee Haweenka, Dhalinayarada, Dadyowga la hayb sooco ee aan laga badeyn, iyo in nidaamka Xisbiyada Somaliland uu noqdo mid hore u socod ah oo bulshadana waxtar iyo wax soo saar u leh. Hoggaanka cusub ee Xisbiga waxa ka mid noqon doona laba (2) haween ah, horena Xisbiga WADDANI waxa uu ahaa Xisbiga keliya ee hoggaankiisa haween ku jiro.

Xisbiga WADDANI waxa uu soo kordhiyey saaxad isla xisaabtan, iyo in la dabaqo hannaanka mucaaraddada saxda ah ee ku dhisan toosinta baylahda Qaranka, iftiiminta goldaloolooyinka danta Qaranku ku jirto iyo kaalingalka nidaamka mucaaraddada aqoonta ku dhisan ee aan ku dhisneyn cayda, aflagaadada iyo naca bulshada la dhex dhigo.

Walaalayaal.

si aad u dareentaan kaalinta korriin ee xowliga ah ee uu Xisbiga WADDANI ku tallaabsanayey, waxa aan tusaale nool u soo qaadan karnaa in Xisbigu isaga oo afar(4) jir ah uu doorashadii Madaxtooyada galay 2017, waxa uuna noqday Xisbigii ugu horreeyey ee mucaarad ah ee Somaliland ka jira ee Doorasho Madaxweyne gala ee hela wax ka badan 40%, Xisbiyadii Mucaaradka ahaa ee innaga horreeyey ma jiro mid kaalintaas gaadhay, waxa u saamaxayna waxa ay ahayd barnaamijkiisa siyaasadeed oo ku yimi wada-tashi, isqancin, dood furan, lafa-gurka iyo ku qanaca bulshada ee barnaamijka Xisbiga. Maantana waxa Xisbiga WADDANI uu u ballan-qaadayaa shacbigiisa in uu mar labaad ummadda reer Somaliland soo hordhigi doono Barnaamij Siyaasaddeed ka turjumi doona danahooda iyo baahiyahooda bulsho.

Walaalayaal.

Doorashadii dhacday 2021kii ee isku sidkaneyd waxa ay ahayd mid taariikhi ah oo uu Xisbigu ku muujiyey awooddiisa, taageeradiisa iyo kalsoonidiisa uu ka haysto Shacabka, waxa ay muujineysaa in ay arrintaasi ku timid tacab iyo tamar badan oo Xisbiga dib loo geliyey, waxa ayna caddeyn u tahay in Xisbigu isu diyaariyey hanashada kursiga ugu sarreeya Jamhuuriyadda Somaliland.

Maanta Bulshadda reer Somaliland, waxa ay u Oomman tahay, haraad iyo jeel baaxad lehna u qabta una dooneysa isbedel ku dhisan aqoon, sinnaan iyo caddaalad, kuwaas oo dhammaantood ku qotoma Barnaamij siyaasadeedka Xisbiga, kasbashada quluubta Shacabka ee Xisbiga WADDANI ku tallaabsanayey intii dhaweyd-ba waxa ay yididiilo u tahay Shacbiga xariirta ah ee amalka aan duugoobayn ku qaba wadankooda Somaliland in majirihiisa wax laga beddelo, siyaasaddiisa la falkiyo, dhaqaalihiisa la kobciyo Isla-markaana rejo weyn loo abuuro muwaadiniinta gaar ahaan Dhalinyaradda oo 70% ka ah bulshadeenna.

  1. Doorashada Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 2022.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu la kulmay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Bishii August 2021, wuxuuna u xaqiijiyey in uu diyaar u yahay in doorashadii Madaxtooyada ay waqtigeedii ku qabsoonto wuxuuna Komishanka faray in ay soo diyaariyaan miisaaniyaddii (budget) iyo qorshihii doorahsada (Time line).

Xogaha rasmiga ah ee Koomishanku la wadaagay Axsaabta Qaranka waxa ay tahay in ay diyaariyeen miisaanyaddii oo ay yareeyeen iyo qorshihii qabashada Doorashadda Madaxtooyadda ee November 13, 2022 oo la dhammaystiray.

Waxaa kale oo Koomishanku safar shaqo ugu baxeen dalka Kenya si ay ula soo kulmaan beesha Caalamka uguna soo xog warramaan dalalka innaga taageera hannaanka dimquraadiyadda iyo Doorashooyinka kuwaas oo si weyn u taageeray qorshihii ay ula tageen Komishankeennu.

Waan u mahadnaqayaa Madaxweynaha, Koomishanka Doorashooyinka iyo beesha Caalamka ee innaga taageera arrimaha doorashooyinka iyo dimquraadiyadda.
Waxa aan ergooyinka Shir-weynaha ku wargelinayaa in Xisbiga WADDANI, anniga oo ah Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI iyo Madaxweyne Ku Xigeenkayga Dr Mohamed Cali Cabdi aan diyaar u nahay in doorashada Madaxtooyadda JSL ku qabsoonato xiligeeda oo ah 13-ka November 2022 wax naga qabyo ahina aanay jirin haba yaraatee.

Waxaa kale oo aannu Madaxweynaha xasuusinayaa in qaranku ka sugayo Siyaasadda Xukuumaddiisa ee qabashada doorashada Golaha Guurtida, waxaanu dhawaaq dheer kaga digeynaa dib-u-dhac kasta oo ku yimaada doorashooyinka inagu soo fool leh, taas oo aanu qaadi karayn waddankeenu marxaladan lagu jiro.

  1. Tacadiyadda, Cabudhinta Saxaafadda & Siyaasiyiinta:

Walaalayaal.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse, afar sanno ka bacdi weli kama ay xiiso jabin cabudhinta Saxaafadda iyo hay’adaha warbaahinta, xadhiga muwaadiniinta, ku tumashada xuquuqul insaanka, xadhiga saraakiisha Xisbiyada waxaana hadda ku soo kordhay in ay si toos ah saraakiisha Xukuumadda iyo kuwa amnigu ugu soo hanjabaan saraakiisha Xisbiga WADDANI.

Waxa aan Xukuumadda ugu baaqayaa in saraakiisha Xisbiga WADDANI ee xidhan xorriyaddooda loo soo celiyo oo uu ka mid yahay Guddoomiye ku-Xigeenkii Xisbiga WADDANI ee Gobolka Maroodijeex oo xidhan muddo 3 bilood ah wax dembi ahna aan lagu caddeyn ilaa hadda lagana waantoobo hab dhaqankan cusub ee hanjabaadda iyo cabsi gelinta taas oon haba yaraatee waxba ka bedelayn xil-gudashada saraakiisha Xisbiga WADDANI. Waajibaadka Axsaabta Mucaaridka ahina waa tilmaamidda dhaliilaha iyo toosinta Xukuumadda.

Warbixnahu Xisbigu helay waxa ay tilmaamayaan in labadii sanno ee ugu dambeeyey ee ay Xukuumadda Muuse jirtay uu xadhiga iyo tacaddiga loo geysto Saxafiyiinta iyo Siyaasiyiinta Somaliland ahaayeen kuwii ugu badnaa. Marka la isku geeyo 2019 iyo 2020-ka tirada Saxafiyiinta la xidhay waxa ay kor u dhaafayaan 50 suxufi oo ay yartahay inta sifo sharci ah loo maray xadhigooda. Sida oo kale sannadkii 2019-kii waxaa la xidhay Xildhibaano Dastuurku siiyey xasaanad. Waxaa iyana ka warqabteen in Xoghayaha Guud (Khadar XuseenCabdi), Afhayeenka Xisbiga (Barkhad) iyo Xoghayaha Arrimaha Bulshadda (Maxamed Sidiiq) isla sannadkaas xabsiga loo taxaabay!.

  1. Siyaasadda Arrimaha Dibedda:

Mudanaayl & Marwooyin.

Soddon sanno ka bacdi, Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Somaliland waxa ay u baahan tahay dib u eegis iyo dib u qiimeyn. Maxaa inoo qabsoomay, maxaa caqabada ah innaga horyimid, maxa aynu xal u helnay, maxaynu xal u weynay, halkeen uga dhaqaaqaynaa halka aan maanta taaganahay?

Hal tusaale, aan idin siiyo. Xiligii aan ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda 2007 waxaa wafdi aan hoggaaminayey oo ka koobnaa, anniga, Guddoomiye ku Xigeenkii Golaha Wakiilada Mudane Baashe M Faarax, Guddoomiyeyaasha Guddiyada Golaha Wakiilada oo sideed (😎 ahaa iyo madax ka tirsanaa saddexda Xisbi Qaran (Faysal, Bullaale iyo Fagadhe) ku tagnay dalalka Ethiopia iyo Uganda safar shaqo.

Intii aan joognay Ethiopia waxa aan aragnay, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddiyada baarlamaanka, Madaxweynaha Ethiopia, Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Guddoomiye ku-xigeenkii Midawga Africa.

Intii Joognay Kampala waxa aan la kulanay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ku Xigeenkiisa iyo Madaxda Guddiyada Baarlamaanka Uganda. Marwo Amina Hersi oo ka mid ah maaqabeenada wadanka Uganda ahna haweenay reer Somaliland ah waxay madaxdayadii Somaliland kala qayb gashay kulan wayn oo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda aanu la qaadanay iyada oo doorweyn ku lahayd qabsoomidda kulanka. Wafdigayagii waxaanu Wasiirka ka codsaday in Somaliland loo ogolaado goobjoog (Observer status) shirkii dalalka barwaaqa sooranka (Common Wealth) oo ka qabsoomayey Kampala xilligaas, boqorrada dalka Ingiriiskuna furaysay. Wasiirku codsigaas wuu ogolaaday, waxaana ka qayb galay saddexdii Xisbi ee Qaran ee JSL ee Xiligaas oo Guddoomiye Faysal Cali Xuseen ka mid ahaa.

Anniga, Baashe, Faysal, Fagadhe, Amb Jawaahir Sh Madar iyo Odaygeeda waxa aan isla xilligaas safar shaqo ku tagnay dalka Rwanda oo aan la kulannay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddoomiyaha Guurtidda iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda. Wasiirka Arrimaha ee Rwanda waxa uu ahaa Wasiirka ka soo jeediyey Shirkii Midawga Africa in la hor keeno report 2005 tii ay qoreen wafdiga midowga Africa ee xaqiiqo raadinta u yimi Somaliland.
Waxa xilligaa ii muuqday in ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland laga midho dhallin karo. Waftigii reer Somaliland een hogaaminayey 2007dii annaga oo isu dhan ka dib markii aan safarkaas ka soo noqonay, waxa aan Madaxweyne Riyaale u qoray warbixin iyo talo soo jeedin 16 bog ahayd oo ku saabsan sida ictiraafka Somaliland looga midho dhalin karo intii xiligaas noo muuqatay. Talooyinka waxa ka mid ahaa in la abuuro Guddi Ictiraaf raadin ah loona sameeyo misaaniyad gaar ah oo ay ku howlgasho, kuwaas oo ka midaysan qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland axsaabtuna door muuqda iyo tallo ku leeyihiin.
Talooyinkii Madax-dii aan la soo kulanay oo dhammaantood-ba Somaliland u hayey niyad wanaag waxa ka mid ahaa tilmaanta dawlado ay u arkayeen in Somaliland xidhiidhkoodka abuurto oo xoojiso sida Nigeria iyo Algeria kuwo ay tilmaameen inay Somaliland si badheedh ah uga soo horjeedaan sida Masar iyo Sudan kuna taliyeen in Somaliland ka hawl galsho oo kasbato.

Laba xukuumaddood oo Xisbiga KULMIYE ah baan ka danbeeyey Madaxweyne Riyaale, welina lama curin siyaasad arrimo dabadeed oo Axsaabta Qaranku ku taageerto Xukuumadda Somaliland.

Somaliland waxay u baahan tahay in Xukuumadda maanta joogtaa la timaaddo siyaasad arrimo dibadeed oo Axsaabta Qarankuna ku taageerto tiir dhexaadna u tahay ictiraaf raadinta Somaliland taas oo aan maanta jirin ama muuqan.

Muddo Xilleedka Xukuumadda KULMIYE ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi waxa hoos u dhacay xidhiidhki saxiibtinimo ee Waddamada Jaarka Somaliland oo ay astaan u noqon karto in aan Somaliland lagu martiqaadin Xafladii caleemo saarka Raysal Wasaaraha Ethiopia. Waxaa hoos u dhacay xidhidhkii Xildhibaannaddii Saxiibada Somaliland ee Baarlamanka Ingiriiska.

Qorshaha Ictiraaf raadinta ee Somaliland waa in aan waqtiga iyo dadaal badan gelinaa Xidhiidh dhawnana Somaliland la yeelataa dalalka xubnaha ka ah Midowga Africa (African Union).

Ictiraafka Somaliland ka maarmi maayo inaan helo dawlad ka mid ah dawladaha waawayn ee ka tirsan golaha amaanka ee qaramada midoobay ee leh diidmada qayaxan (veto power). Wakhtigan way jiraan dawlado Somaliland saxiib dhaw la ah, way fiicnaan lahayd in xukuumadeennu wanaajiso xidhiidhka ay la leedahay dalweynaha shiinaha oo gobolka ka wada horumar balaadhan ( Djibouti iyo Ethiopia), aqoonsigana wax badan inooga tarimayso dawlad aan iyada la aqoonsanayn sida Taiwan, mar kasta waa inaan wanaajinaa macaamilkeenna dawldnimo ee dawladaha muhiimka ah.

Waxa kale oo xaqiiqo ah in dhamaan quwadaha waaweyni danaynayaan Somaliland maadaama ay boqcad istaraatiji ah ku taal (startegic positioin) arrintanna ibo furkeeda waxa looga baahan yahay xukuumadda Somaliland.

  1. Somaliland iyo Soomaaliya:

Dalalka Somaliland la jaarka tahay, Midowga Afrika iyo saxiibadeenna beesha caalamkuba waxa ay Somaliland kula taliyeen inay Somalia wada-hadlaan, Xisbi ahaanna waxa aan u aragnaa in wada-hadalku yahay mid ka mid ah furayaasha ictiraafka, sidaas darteed, waan sii wadi doonnaa ka midho dhalinta wada-hadalka Somaliland iyo Somalia.

  1. Beesha Caalamka:

Beesha caalamka waxa aan leeyahay waad ogtihiin in Somaliland tahay xaqiiqo jirta, waad og tihiin in Somaliland ka mid tahay dalalkii Afrika ee xorriyaddooda qaatay 26 June 1960, waad ogtihiin in shacbiga Somaliland afti ku doorteen inay la soo noqdaan Madax-bannaanidooda iyo Qarannimadooda, waad ogtihiin in Somaliland tahay dal xasilloon oo nabad ah, waad ogtihiin in Somaliland tahay dal hirgeliyey nidaamka axsaabta badan iyo dimquraadiyadda.

Somaliland waxa ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato arrimaha Geeska Afrika oo ay cid kasta uga faro dhuubantahay, Somaliland waxa ay diyaar u tahay inay beesha caalamka kala shaqeyso arrimaha nabadeynta oo waayo aragnimo badan u leedahay, waxaa Somaliland u muujisay dalalka ay la deriska ah jaar wanaag.

Waxa aan beesha caalamka iyo qaramada midoobay labadaba ugu baaqayaa in ay tixgeliyaan rabitaanka shacbiga Somaliland ee ah aaayo ka tashigooda.

  1. Ganacsiga, Maciishadda & Qaaliyowga Nolosha.

Marwooyin & Mudanayaal.

Waxa maanta marag ma doon ah in guri kasta oo Somaliland ku yaal laga dareemayo kor u kaca ku yimid quutul daruuriga iyo waxyaabihii aasaaska u ahaa nolosha, haddii sicir baraku kor u sii socda oo aan la xadidinna waxa ka dhalan kara khataro badan oo si gaar ah u taaban doona bulshadeenna kuwaas oo ay kow ka tahay in shacbigu u kala baxo dabaqado abuurantanna kala sarreyn bulsho taas oo aakhirka saameyn taban ku yeelan doonta amniga qaranka.

Sidaa awgeed waxa aan Xukuumadda u soo jeedinaynaa inay arrintan siyaasad cad ka soo saarto si dhakhso ahna wax uga qabato maciishaddan cirku isku sii shareeraysa, innaga oo maanka ku wada haynna wixii sababay gugii carabta (Arab Spring) inuu ahaa maciishad qaali garawday oo waxba laga qaban kari waayey iyo shaqo la,aan baahday.

  1. Go’aanka Tartanka Guddoomiye-nimada Xisbiga WADDANI:

Marwooyin iyo Mudanayaal.

Shir-weynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI waxa uu noqon doonaa Shirweyne taariikhda gala. Gugii 2002-dii, markii Jamhuuriyadda Somaliland ka hirgalay nidaamka axsaabta badani iyo ilaa maanta waxaa xeer ama dhaqan ahaan jirtay welina ah in Guddoomiyayaasha axsaabtu aanay bannayn jirin welina bannayn xilka Guddoomiyaha Xisbiga ilaa ay Madaxweyne noqdaan.

• Guddoomiye Faysal oo ahaa asaasihii iyo Guddoomiyihii kowaad ee Xisbiga UCID weli waa Guddoomiyaha Xisbiga 2002dii ilaa maanta 2021-ka.

• Madaxweyne Axmed Maxamuud oo ahaa asaasihii iyo Guddoomiyihii kowaad ee Xisbiga KULMIYE waxa uu xilka Guddoomiyaha Xisbiga wareejiyey markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland noqday ee 2010-kii.

• Madaxweyne Muuse Biixi oo noqday Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE 2010, Madaxweynena noqday 2017, weli wuu haysta xilka Guddoomiyaha Xisbiga.

• Annigu waxa aan Guddoomiyaha Xisbigan noqday 2012kii xiligaas oo shahaadada xisbinimo la siiyey Xisbiga WADDANI, Muuse iyo Faysal labaduba way iiga horreeyeen Xilka Guddoomiyaha Xisbiyadda, da’ahaanna labaduba waa ay iga weyn yihiin, hase Yeeshee, annigu waxa aan Maanta Shir-weynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI hortiisa kaga dhawaaqayaa in aan ka hadhay in aan u tartamo mar 2aad xilka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ahayna Musharax u taagan una Tartamaya Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee doorashada Madaxtooyadda JSL ee November 13, 2022.

Marwooyin & Mudanayaal.

Waxaan jecelahay inaan xuso ama sheego qaar ka mid sababaha aan u tartankan Guddoomiye-nimada Xisbiga uga hadhay:

  1. In aan aabuuro is aaminaad siyaasadeed iyo axsaab la wada-leeyahay oo aan deegaan gaar ah iyo qof gaar ah ku suntanayn.
  2. In aan bilaabo sunne cusub oo ah in Gudoomiye xisbi ku dhaco inuu wareejiyo xilka gudoomiyaha isaga oo weli haakah odhan oon madaxweyne noqon.
  3. In aan fursad siiyo in dhallinyaradu qaban karto xilalka ugu sarreeya Xisbiga oo uu ka mid yahay xilka Guddoomiyaha Xisbigu.
  4. In la beddelo lanana tirtiro dhaqanka beelo gacan isu dhiibka ee siyaasadda.
  5. In la dhiso oo la adkeeyo lana aamino hannaanka xisbinimada ee dalkeenna ka hirgalay.
  6. In sunaha aan maanta bilaabay noqon mid anniga igu koobma oo keliya, balse, Guddoomiyaha igu xigaana uu dhaqankaaas qori isu dhiibka ah halkaas ka sii wado taas oo dhiiri geli weyn u noqon doontaa kaadirka xisbiga WADDANI.
  7. Iyo In aan abuuro dhaqan Siyaasaddeed wanaagsan oo ay inagaga daydaan Xisbiyadda kale ee inaga da,weyni hal-abuurkan iyo kaalintan aan ku soo kordhiyey Siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland.
    Walaalayaal.

Waxaan hadalkayga ku gunaanadayaa oo kaga tegeyaa :

Haddii shacbiga Somaliland ii doortaan Madaxweynaha JSL, waxa aan rumeysnnahay in aan noqon doono Madaxweyne uruuriya, mideeya, qiimeeya, qaddariya oo u adeega shacbigiisa kuna filantahay oo keliya maamuska shacbigiisu ku doorteen wixii ka soo hadhay oo dhanmina noqon doonaan caaddalad, sinnaan iyo wax wada-lahaansho Shacbiga wada gaadha, taas oo meesha ka saari doonta inay cidi dareento sad-bursiin cid kalena u qaadato inay qadeen.
Somaliland ha noolaato.

Allaa Mahad Leh”


Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Ah-na Musharraxa Madaxweynaha