Natiijada Ciyaartii Galablta Dhex Martay Maxamuud Haybe Iyo Ibraahin Koodbuur

Hargeysa – (WARSOOR) – Ciyaaraha koobka degmooyinka caasimadda Hargeysa ayaa si habsami leh uga socda garoonka Hargeysa Stadium, iyadoo maanta ay foodda is dareen degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Ibraahin Koodbuur.

Ciyaartan oo ahayd mid xiiso leh isla markaana ay kasoo qayb galeen teegeerayaal badan ayaan qaybtii hore ee ciyaarta wax gool ah la iska dhalin, iyagoo labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan oo xiiso lahayd.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ee la iskusoo noqday ayaa iyadana 45 daqiiqo ee ay ahayd aan wax gool ah la iska dhalin, iyadoo labada kooxoodba ay ku dedaalayeen sidii ay u keeni lahayeen goolal, waxaana lagu diray 3 daqiiqo oo dheeraad ah markii ay soo dhammaadeen 90-kii daqiiqo ee ciyaartu, taasoo aan iyadna wax goolal ah la iska dhalin. Waxaana ciyaartii u dhaxaysay degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Ibraahin Koodbuur ay kusoo dhammaatay barbarro.

Ciyaarta koobka degmooyinka ee caasimadda Hargeysa ayay berri wada ciyaari doonaan degmooyinka Gacan Libaax iyo Maxamed Mooge, oo ah laba degmo oo si weyn loo sugayo ciyaartooda, kana mid ah degmooyinka waaweyn ee caasimadda Hargeysa.