Natiijada Ciyaarihii Galabka Ee Degmooyinka Hargeysa

Hargeysa – (WARSOOR) – Koobka degmooyinka Caasimadda Hargeysa oo wareeggii labaad galay, kooxda degmada Maxamuud Haybe ayaa kabaha la dulmartay oo jiidhay dhiggeeda degmada Gacan libaax, ciyaartii galabta ku dhex martay Hargeysa Stadium.

Ciyaartan oo ahayd mid si weyn loo sugayay isla markaana ay isku waajahayeen laba degmo oo waaweyn oo Caasimadda ah, ayaa waxa qaybtii hore ee ciyaarta waxa goolkoodii koobaad keenay kooxdii ku ciyaaraysay magaca degmada Maxamuud Haybe, iyagoo daqiiqaddii 5aad uu u dhaliyay ciyaaryahan Khadar, waxaana daqiiqaddii 14aad ay dhaliyeen goolkoodii labaad, oo u saxeexay ciyaaryahan Maxamed Taango, waxaana qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay laba gool iyo eber.

Markii la iskusoo noqday qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa kooxda demgada Maxamuud Haybe ay ku muquuniyeen daqiiqaddii 58aad goolkoodii saddexaad oo uu shabagga degmada Gacan Libaax uu ku luxay ciyaaryahan Jaroose, taasoo dhinaca guuldarrada u hoobad siisay degmada Gacan Libaax.

Markii ay 90-kii daqiiqo ee ciyaartu ay soo dhammaadeen ayaa lagu daray 6 daqiiqo oo dheeraad ah, kuwaasoo wax goolal ah ay ku dhali waayeen degmada Gacan Libaax oo galabta lagu jiidhay koobkii degmooyinka caasimadda Hargeysa. Waxaana ay guushu raacday kooxdii ku ciyaaraysay degmada Maxamuud Haybe.