Muwaadin Iskaa Wax u Qabso ku Banneeyay Laba Waddo oo Isku Xidha Berbera iyo Laasa-dacawo

Berbera – (warsoor) – Muwaadin u dhashay Somaliland, ayaa ku dhaqaaqay tallaabo ku dayasho mudan oo uu si iskaa wax u qabso ah dalkiisa iyo dadkiisa wax ugu qabanayo, waxaanu banneeyay oo uu furay laba waddo oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka gobolka Saaxil.

Eng. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi, oo ka mid ah aqoon yahanka reer Somaliland, isla markaana ka mid ahaa ragii ka soo qayb qaatay xiligii dib u dhiska dalkan lagu jiray oo dalka muddo ka maqnaa ayaa markii uu dalkiisa hooyo ku soo noqday waxaa uu u dhaqo dhaqaqay in uu dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabto, waxaanu banneeyay oo uu furay laba waddo oo isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Laasa Dacawo oo ka tirsan gobolka Saaxil.

Sidoo kale waxa uu wadanka ka sameeyey mudadii uu joogay beero badan oo ah nooca wax soo saarka iyo dalagyada kala duwan isla markaana uu uga dan lahaa  sidii uu dadkiisa uga saari lahaa baahida iyo saboolnimada ka haysata  dhinaca wax soo saarka beeraha isagoo ku dhiiri galiyey inay xoogooda wax kula soo baxaan oo ay dhulkooda qotaan

Col. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi, oo horraantii sannadkan dalka Somaliland dib ugu soo laabtay ayaa ku tilmaamay ujeedadda uu dalka u yimi in ay la xidhiidho sidii uu dalkiisa iyo dadkiisaba wax ugu qaban lahaa.

Iyadoo markii uu gaadhay magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil si weyn loogu soo dhaweeyay isla markaana uu deg deg ugu dhaqaaqay waxqabadyo kala duwan oo uu kaga shaqaynayo arrimaha bulshada horumarintooda.

Waxaanay dadweynaha gobolka Saaxilaad u soo dhaweeyeen sida hawlkarnimada iyo aqoonta ku dhisan ee uu durba Eng Ibraahin wakhtigiisa iyo maalkiisaba ugu huray in uu ka shaqeeyo arrimaha bulshada isagoo aan dawladda wax xil ah aan ka haynin. Eng Ibraahin ayaa ka mid ahaa madaxdii Xisbiga KULMIYE ee Qurbaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.