Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Soo Dhawayntii Ugu Balaadhanayd Abid Loogu Sameeyay Magaalada Laascaanood .

Laascaanood – (warsoor) – Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Egn Faysal Cali Waraabe iyo Wafti Miisaan leh oo uu ka mid yahay Murashaxa Madaxweyne Ee Ku Xigeen Ee UCID Pro Axmed Cabdi Muuse Abyan ayaa so dhawayntii abid ugu balaadhnayd loogu sameeyay Xarunta Gobolka Sool Ee Laascaanood.

Waxaana Fagaaraha khyaryada Magaalada Laascaanood khudbado kala gaddisan ka jeediyay Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Sool, kuwaas oo hadalo soo dhawayn ah halkaasi ka yidhi, iyagoo sheegay in Xisbiga UCID yahay Xisbiga qudha ee aan lagula tartamayn Gobolka Sool Maadaama Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen uu ka soo jeedo Gobolka Sool.

Sidoo kale Madax-dhaqameedku waxay sheegeen in aanay kala doorsanayn Wasiir ay xukuumadii timaadaaba ku qasbantahay in ay noo magacawdo iyo Madaxweyne, waxaanay sheegeen in Bulshada ku abtirsata Gobolka Sool dhamaantood ay taageersanyihiin Xisbiga UCID.

Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen Ee UCID Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xisbiyada kale aanay keeni Karin is beddel, oo hore loo tijaaabiyay.

Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanysaa, ayaa Bulshada ku dhaqan Gobolka Sool ugu baaqay in ay kala doortaan Wasiir iyo Madaxweyne.

Sidoo kale Murashaxa Faysal ayaa soo bandhigay barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbigu dalka ku hagayo, isagoo ta badalkeedana farta ku fiiqay hagardaamoyinka Xisbiyada qaar la damacyihiin qaranka Somaliland.

Ugu dambayn Murashaxa Faysal Cali Waraabe ayaa bulshada Gobolka Sool ugu baaqay in Doortaan Xisbiga UCID oo astaan u ah Midnimada Somaliland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.