Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo Hadda Xilal Cusub u Magacaabay Saraakiil Ka Tirsan Xisbiga

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kale na ah guddoomiyaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu xilal kala duwan u magacaabay qaar ka mid ah saraakiisha Xisbigaasi ka dib markii uu eegay kartidooda iyo baahida uu Xisbigu u qabay xilalkaasi.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo xilalkan cusub ee uu magacaabay ku soo saaray War-saxaafaddeed uu isagu ku saxeexan yahay, ayaa ugu horreyn waxa uu la-taliyaha guddoomiyaha Xisbigaasi ee Arrimaha Maamul Wanaaga uu u magacaabay Md.Aadan Cali Yoonis halka sida oo kalena xilalka kale ee uu magacaabayna ay ka mid ahaayeen xoghayaha Dalxiiska oo uu u magacaabay Md.Cali Cismaan Xuseen, Xoghayaha Arrimaha Bulshada oo uu u magacaabay Yuusuf Khaliif Axmed iyo weli ba Xoghaye ku xigeenka Diinta iyo Aw-qaafta oo uu iyada na u magacaabay Md. Maxamed Kaahin Saleebaan.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in Xisbigu uu ku qancay kartida iyo waayo-aragnimada saraakiishan xilalka loo magacaabay isla mar ahaantaana rajjeeyey in wax badan ay ku soo kordhin doonaan Xisbiga, ayaa sida oo kale na wuxu Alle uga baryey in uu dhammaantood ba u fududeeyo xilalkaas loo magacaabay.

HOOS, Ka Akhri War-saxaafaddeedka uu guddoomiye Cirro ku soo saaray magacaabista Xilalka Saraakiishan.

 

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.