Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Saaka Safar ugu Baxay Gobalka Awdal iyo Taageerayaashii ugu Badnaa oo Xisbiga WADDANI ku Qaabilaayo Boorama

Hargeysa – (warsoor) – Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka aroornimadii hore u safar ugu baxay magaalada Boorama ee gobalka Awdal.

Safarkan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinayaan mas’uuliyiin ka tirsan Xisbigaasi, ayaa ujeedka socdaalkiisu uu daaran yahay dar-dar-gelinta hawlaha Xisbiga ee gobalkaasi iyo weli ba sida oo kale soo dhaweyn magaalada Boorama looggu sameynaayo taageerayaashii ugu badnaa ee ku soo biira Xisbigaasi kuwaasi oo ka soo diga-rogtay xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, ayaa sida oo kale la rajeynayaa in uu kulamo la qaato madax-dhaqameedyada, dhallinyarada, haweenka iyo qeybaha bulshada ee gobalkaasi, waxaana uu aad uga la soo hadli doonaa hawlaha Xisbiga WADDANI ee gobalkaasi isaga oo sida oo kale na gaadhsiin doona fariinta isbedel doonimo ee Xisbiga WADDANI uu doonaayo in uu wax badan kaga bedelo talada dalka Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.