Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Saaka Gutay Codkiisii Doorashada Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo Marwadiisa Farduus Maxamed Rooble ba, waxay saaka si rasmi ah ay u guteen waajibkoodii codbixineed ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland. Iyaga oo ka codeeyey goobta xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa.

Murashaxa oo intaa ka dib la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in uu shacabka Somaliland ugu baaqayo in ay si nabad-galyo ah ay ku codeeyaan isla mar ahaantaana ay ilaaliyaan amniga dalka.

“Waxaan shacabka Somaliland u dirayaa salaan, waxaan dhamaantood ku hambalyeynayaa inay saaka u dareereen inay dhiibtaan codkooda doorashadda madaxtooyadda Somaliland. Anigoo ka mid ah muwaadiniinta Somaliland ahna musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxaan ku faraxsanahay inaan ka qayb-galay anigoo muwaadin ah doorashadda madaxtinimada”. Sidaasi waxaa yidhi musharax Cabdiraxmaan Cirro.

Halkan ka daawo warkan oo aanu ka soo xiganay Maal Channel:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.