Muhiimadda uu u leeyahay Soomaaliya Shirka Madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti halkaas oo uu ka furmay Shirka Madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha.

Hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo Arrimo kale ayaa looga hadlayaa shirkaan oo soconaya Saddex maalmood.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo haatan ku sugan dalka Jabuuti ayaa Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya uga waramay ahmiyadda shirkaan uu u leeyahay Soomaaliya.

Soomaaliya oo Alle uu ku manaystay kheyraad badan ayaa haatan waxay diyaar u tahay maalgashi, iyadoo ay jiraan shirkado iyo dowlado badan oo haatan danaynaya Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshahada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La Taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.