Mudanayaasha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland oo Saaka Markii u Horeysay Fadhiga Ku Kulmaya Mudadii uu Xidhnaa Kadib

HARGEYSA – (WARSOOR) – Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa Ku Wargaliyay Maanta oo Axad ah Bisha Diismabar 26 keeda Sanadka 2021ka, in ay Mudanayaasha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland isugu iman Doonaan, Fadhigii u Horeeyay iyadoo Kadib Markii Goluhu Xidhnaa Mudo Laba Toddobaad ah Tan iyo intii Ka Dambaysay Maalntii Rabshadu ka dhacdey, oo ay Fadhiga Diideen Xldhibaano Door ah, oo iyagu Sheegay in ay Dacwad Ka Gudbiyeen Xeerka Furista Ururada Siyaasada ee Xeer 14, oo Hadda Maxkamadu Gacanta ku hayso.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa, Labadii Maalmood, ee Dambeeyay la Kulmay Xildhibaano, door ah Si Arrinta Khilaafka Golaha Sulux Loogu dhameeyo, inakstoo ay ka hadleen Xldhibaano Golaha Katirsani la hadleen Kulanka Gudoomiyaha.

Sikasta, oo ay tahey Waxa Loo badinayaa in ay Maanta Xildhibaanadu Isugu iman doonaan Xarunta Golaha Wakiilada.