Mudaharaad Balaadhan oo ka Dhacay Gudaha Magaalada Laascaanood

Laascaanood – (warsoor) – Mudaharaad baladhaan ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mudaharaadkan ayaa ahaa mid  lagaga soo horjeedo sicir-barar, iyo isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga.

Dadkan mudaharaadayay ayaa dhigayay ayaa isugu jiray bulshada ku nool gudaha magaalada Laascaanood qaybahooda kala duwan.

Guddoomiyaha gobolka Sool, mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo ka hadlay mudaharaadkan ayaa sheegay in uu si nabadgeliyo ah ku dhammaaday, islamarkaana keenista lacagta shilinka Somaliland uu kala hadlay guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, Cali Ibraahin Jaamac Baqdaadi.