Mucjisada Ku Xeeran Curashada Sanadka Cusub ee Islaamka 1440 Hijriya. W/Q: Miyir Cali Xuseen

Curashada sanadka cusub ee islaamka 1440 Hijriya oo curtay caawa oo ay taariikhda Miilaadiga ahi tahay 11 Sep 2018 ayaa waxa ku xeeran mucjisooyin badan oo kala duwan, Kuwaas oo kala ah sidan:-

  1. Sanadkan cusub ee caawa bishay ee Islaamka waxa ay isku soo beegmeen curashada sanadka ay tirsadaan Quruubaha ku nool dalweynaha faca-weyn ee aynu jaarka nahay ee Itoobiya oo isna uu caawa kow saday sanadkoodii 2011-naad oo waafaqsan 11 Sep 2018 ,Taasi oo ah mucjiso taariikhiya oo uu caawa la kowsaday sanadka cusub ee Islaamka iyo Sanadka cusub ee Itoobiya-ba
  1. Qodobka labaad ee mucjisada ah ayaa isna ah qodob kuusoo baxaaya marka la iskugeeyo taariikhda dhalashadii Nabigeenii Muxamed SCW ee 571 AD +1440 oo ah sanadka Islaamku halku uu maraayo taariikh ahaan caawa ayaa waxa ay soo baxaysaa 2011 sano oo lamida sanadka cusub ee caawa u curtay taariikhda Itoobiya, Taasi oo ah mucjiso taariikhya oo uu caawa la kowsaday sanadka cusub ee Islaamka iyo Sanadka cusub ee Itoobiya-ba
  1. Qodobka sadexaad ee mucjisada ah ee curashada sanadka cusub ee Islaamka ayaa isna ah qodob kuusoo baxaya marka aad xisaabiso arimahan.

Marka aad isku dhufatid 60 daqiiqo ee halka saac ka koobaan yahay iyo 24 saac ee ay maalinta iyo habeenku ka kooban yihiin ayaa waxa kuusoo baxaaya tirada sanadka cusub ee caawa curtay ee Islaamka oo ah 1440, arintan oo hadii aan qaab xisaabeed u qoro u dhigmaysa sidan:- 60×24=1440  ayaa iyaduna noqotay  mucjiso taariikhya oo uu caawa la kowsaday sanadka cusub ee Islaamku .

Qodobadan iyo qaar kale oo aynu soo bandhigi-doono ayaa noqday Mucjiso ku xeeraan curashada sanadka cusub ee Islaamka ee caawa kowsaday.

Qalinkii: Miyir Cali Xuseen

Saxafi/Qoraa Madaxbanaan

miyircali@gmail.com

facebook.com/MiyirCaliXuseen

Moble: 0634046313

Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.