Mozambique oo Gacanta ku Dhigtay Telefoonno been abuura oo loo eekaysiiyey iPhone

MUSAANBIIG – (WARSOOR) – Dawladda Mozambique ayaa gacanta ku dhigtay in ka badan 1,165 xabbo Telefoonno been abuura oo loo eekaysiiyey kuwa shirkadda Apple ee iPhone ka loo yaqaan.

Dawladda ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabtay laba nin oo Shiinaha u dhashay kuwaas oo ahaa farsamayaqaannadii samayn jiray telefoonnada la been abuuray.

Arrintan ayaa timi ka dib markii la ogaaday xogta guri ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Maputo, halkaas oo ay yaalleen qalabka lagu sameeyo telefoonnada oo dadka looga iibin jiray in ay yihiin kuwo asal ah isla markaana ay soo saartay shirkadda Apple.

Dawladda ayaa qirtay in raggani ay adeegsan jireen xirfad sare oo aan hore loo fahmi karin, isla markaana ay haysteen agab horumarsan.