Mosaambiik oo Maxkamadayneysa Dad looga shakiyay xag-jiriin

Maputo-(warsoor)-189 Qof oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Kooxo Islaamiyiin mayalka adag ayay Maxkamad ugu billaabaneysaa Maalinta Arbacada Dalka Musambiik, sida ay daabacday Wakaaladda Wararka ee AFP.

Maxkamadda ayaa ugu billaabaneysa eedeysanayaashan Khaymad ku taalla Xabsigii ay ku jireen dhexdiisa, iyadoo xubnahani lagu soo eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarro ka dhan ah Ciidanka Boliiska iyo Dad Rayid ah oo ka dhacay Gobolka Cabo Delgado.

Eedeysanyaashan ayaa ka soo kala jeeda Waddamada, Mosambiik, Tanzaniya, Congo, Soomaaliya iyo Burundi, waxaana ka mid ah 189-ka Qof ee ay Maxkamaddu ugu billaabatay ย Dalka Mosambiik 42 Haween ah.

Waxaa lagu eedeeyay Dadkan dambiyo ay ka mid yihiin dilka, isticmaalka Hubka la mamnuucay, falal ka dhan ah amniga Qaranka iyo qal-qal gelinta Dad weynaha.

Sanad ka hor ayay ahayd markii ay Kooxo ku Hubeysan Garnaylo iyo Mindiyo ku dileen gudaha Dalka Mosambiik in ka badan 50 Qof, kuwaasoo oo ku doodaya inay Shareecada Islaamka ka hirgelinayaan degaannada ay Muslimiintu ku badan yihiin ee Dalkaasi.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.