Michael Keating iyo madaxda Puntland iyo Galmudug oo isku raacay xabad joojin deg deg ah oo Gaalkacyo laga hirgaliyo

Garoowe – (warsoor) – Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskiiska madaxtooyada  Puntland ee magaalada Bosaso ku qaabilay ergayga gaarka ah ee xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimha Soomaliya Michael Keating iyo wafdi uu hogaaminayo.

cabdiwali-kaeti

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ergayga gaarka ah ee xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimha Soomaliya Michael Keating ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaliya iyo xaaladda colaadeed ee ka aloosan magalada Galkacayo.

Kulanku markuu soo dhamaaday ayaa Madaxweynaha Puntland iyo ergayga Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya waxay madaxtooyada ku qabteen shir jaraa’id oo ay kaga hadlayeen wax yaalihii kulankooda kasoo baxay.

“Wakiilka xogyaha guud ee Qaramada Midoobay waxaan aad uga wada hadalnay arrimaha la xariira doorashada Soomaaliya iyo sidii loo dhamays tiri lahaa wuuna ku bogaadiyay Puntland inay bilowday doorashadii xildhibaanada aqalka hoose, sidoo kalena in la muujiyo qoondada dumarka ee xubnaha aqalka hoose waana ku raja weynahay in xuquuqda ay dumarku leeyihiin la ilaaliyo” ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in say ka wada hadleen arrimo kale oo ku salaysan in lasii xoojiyo xiriirka Qaramada Midoobay iyo Puntland iyo in lasoo afjaro xaaladda colaadeed ee ka aloosan magaalada Gaalkacayo.

“Waxaan aad isula soo qaadnay dhibaatada kasoo cusboonaatay magaalda Gaalkacayo, waa arrin xanuun badan, waa arin cid kasta ay tahay inay ka damqato, loona baahan yahay in xal waara loo helo Gaalkacayo iyo Mudug, waxaanu intaan wada joognay khadka telfoonka ku xariirnay Ra’iisal Wasaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxaanuna isla qaadanay in la sameeyo xabad joojin kabacdina madaxdu ay isugu yimaadaan maalinta jimcaha magaalada Gaalkacayo”.

Dhinaca kale wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobey ayaa ku nuux-nuuxsaday ahmiyadda ay leedahay nabaddu iyo sida loogu baahan yahay in magaalada Gaalkacayo oo deris la noqotay dagaalo soo laalaabtay in lagu soo dabalo nabad, isla markaana sheegay in si wada jir ah ay isula qaateen xabad joojin tan iyo inta laga gaarayo maalinta jimcaha oo la isugu iman doono magaalada Gaalkacayo si looga wada hadlo xallinta khifaadka soo noq noqday.

“Waxaan khadka telfoonka ku wada hadalnay Madaxweynaha Puntland, Ra’iisal Wasaaraha Soomaliya, Madaxweynaha Mamulka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada Puntland iyo Maamulka Galmudug waxaana la isla qaatay in la dhaqan geliyo xabad joojin ka bilaabanta maanta” ayuu yidhi Wakiilka Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.