Maxkamdda gobolka Togdheer oo burburisay 515 liitir oo Khamri ah

BURCO – (WARSOOR) – Maxkamdda gobolka Togdheer ayaa burburisay 515 liitir oo Khamri ah, kaas oo ay soo qabteen ciidanka Booliska ee gobolkaasi.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ee gobolka Togdheer Yuusuf Shire ayaa sheegay in Khamrigaas laga soo qabtay goobo kala duwan oo lagu qariyay iyadoo aan cidna lagu soo qabanin. Hasa ataatee ciidanka Boolisku uu ku daba jiro dadkii ku lug lahaa ka ganacsiga Khamrigaasi.  

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ee gobolka Togdheer Yuusuf Shire ayaa intaa ku daray in dhamaanba Ciidanka Booliska ee gobolka Togdheer ay heegan ugu jiraan la dagaalanka Maandooriyaha, waxaanu ballan qaaday in ay sii xooji doonaan la dagaalanka iyo cidhib tirka noocyada Maandooriyaha.