Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo u fariisatay Dacwad loo heystay labo eedeysane

Muqdisho – (warsoor) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa maanta u farIisatay wajiga kowaad ee dacwadii lo heystay 2 eedeysane oo mid kamid ah uu yahay shacab halka kan kalane uu ka tirsan yahay ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed.

Labada eedeysane oo kala ah, Dable xoogga Cabdi Cabdule jaliil iyo,iyo Ibraahim Maxamuud  oo shacab ah ayaa lo heystaa lunsasho Dhuunta qoriga dhashiikaha ee ay ku howl gali jireen ururka 40-aad guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Dhageysiga fadhiga Maxkamada waxaa daah-furay Guddumomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad, Gaashanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan,

Ku xigeenka xeer ilaaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo qareenkii dhifaacaya ayaa dhankooda inta ay dacwaddu socotay  dood dheer dhax martay. Sidoo kale abuukaate carab yuusuf Nuur shabeel oo ah qareenkii udoodayay ee dey sana yaasha ayaa Maxkamada ka codsaday in eedeysanayaashani  lo firiyo sifaalaha danbiga Fududeeynaya.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida gaashanle Maxamed Cabduqaadir Maxamed ayaa garsoorka ka hor cadeeyay in eedeysanayaasha  ay isku dayeen lunsadaan hantida ciidanka xooga dalka,waxaana uu Garsoorka ka codsaday in lamarsiiyo ciqaab uqalanta si ay tusaale ay ugu noqoto Askarta iyo saraakiisha  kale ee ka tirsan  ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed.

Garmaqalka isi soo laabashada maanta Maxkamada waxaa soo xeeray Guddoonka Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ,gaashanle Maxamed Amiin Cabdule Aadan.