Maxamed Axmed oo u ordayay dalka Canada ayaa ku guulaystay bilada Silver-ka ah ee tartanka oradka 5000

Maxamed Axmed oo u ordayay dalka Canada ayaa ku guulaystay bilada Silver-ka ah ee tartanka oradka 5000 ee meter ee ciyaaraha Olympics ka ee ka socda magaalada Tokyo.

Maxamed oo orodka ku dhamaystiray 12:58.61, ayaa guushan uu gaadhay ay noqonaysaa biladii u horaysay ee silver ah ee Canada ay ka hesho Olympics ka orodka 5000 meter ee raga, Sidoo kale waa record kii u horeeyey ee waqooyiga America.

Maxamed ayaa kasoo jeeda Somaliland balse haysta dhalashada dalka Canada.