Mawjado Dadweyne ah oo Madaxweynaha iyo Weftigiisa Kusoo Dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo – (warsoor) – Mawjado dadweyne ah oo kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa soo dhaweyn ballaadhan ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo muddooyinkii dambe safar shaqo ku marayey gobollo kamid ah dalka.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, caleemo qoyanna lulaya oo ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, ayaa maanta madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay dhinaca bari ee magaalada, waxana ay u galbiyeen dhinaca beerta xorriyadda ee Nuura, halkaas oo hadallo soo dhaweyn iyo mahadnaq ah looga jeediyey shacabkii soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa.

Ugu horrayn maayarka magaalada Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur oo la hadlay shacabkii isugu soo baxay soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa ku dheeraaday taariikhda mugga weyn ee gobolka Sanaag, madaxweynahana  gobolka kusoo dhaweeyey, waxana uu yidhi, “Mudane Madaxweyne kusoo dhawow gurigii Aabbeyaasha, awooweyaasha, ayeeyooyinka iyo Hooyooyinka, kusoo dhawow gobolkii khayraadka, faleenka iyo xabbagta, badda iyo buuraha, beeraha iyo xoolaha, macdanta iyo dahabka, waa gobol barayksan oo wixii Afsoomaaliga ku hadla intooda ugu badani ka tafiirmeen.”

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Mudane  Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, ayaa isaguna shacabka ku dhaqan soo dhaweynta ay u sameeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana uu bulshada gobolka Sanaag ku boorriyey inay nabad-gelyada iyo wada-jirkooda si gaar ah awoodda u saaraan.

Salaadiin iyo madax-dhaqameed reer Ceerigaabo ah oo uu kamid yahay Suldaan Rashiid Suldaan Cali Ducaale oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Ceerigaabo uga mahadceliyey soo dhaweynta laxaadka leh ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabileen, isaga oo madaxweynaha ku bogaadiyey socdaalkiisa uu ugu kuurgeliyo xaaladda guud dalka iyo deegaannada ka baxsan caasimadda Hargeysa.

Wasiirrada wasaaradaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed, Gaashaandhigga,  Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Xasan Cali Gaafaadhi iyo Horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo dhammaantood la hadlay shacabka reer Ceerigaabo, ayaa bulshada ku bogaadiyey sida midnimada iyo isku-duubnida leh ee ay madaxweynaha qaranka usoo dhaweeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad mahadnaq, waano iyo waxsheeg isugu jirta u jeediyey bulsho-weynta reer Ceerigaabo ee soo dhaweysay, ayaa ugu horrayn shacabka ku bogaadiyey sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen, waxana uu soo dhaweyntan ku tilmaamay mid cadowga Somaliland ka nixinaysa, waxana uu yidhi, “Reer Ceerigaabow dhibtaas iyo hawshaas iyo soo jeedkaas waxad u gasheen qaran-nimada, madaxweynuhuna waa qof, laakiin sharaftii qaranka ayuu huwan yahay, taasaana soo dhaweyseen, taasina waxay muujinaysaa kalgacaylka aad u qabtaan qarankiinna iyo walaaltinimada aad u haysaan, dalkiisa iyo dadkiinna oo dhan, waxana aad muujiseen milgaha uu qarankiinnu idinku leeyahay, farriintiinnuna qaranka Somaliland oo dhanna way ka farxinaysaa, cadowga Somaliland oo dhanna way ka nixinaysaa.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in gobolka Sanaag yahay goob ay kasoo jeedaan ummad badan oo Afsoomaali ku hadashaa, isla markaana ay goob istaraatiiji ah ku taallo, isaga oo farriin nabadeed u diray bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka Sanaag,, “Sanaag waa meeshii laga soo farcamay, waana meel cid waliba deggen tahay, waxana ay noqonaysaa tii Soomaali oo dhan isku xidhaysay, ganacsi ahaan iyo dhaqan ahaanba, maanta farriintaydu waa nabad, waa walaaltinimo, waa horumar, waa wax-wada-qabsi iyo khilaafkeenna oo aynnu si salmi ah u xallino, dadka Ceerigaabo eedaynayana ee wax dheeraad ah baa ka jira lehna waa beentii, gobol walba khilaaf waa ka jira, gobol walbana qabaa’il wuu ku jiraa, wax u dheeraad ah oo Sanaag lagu canaanan karaana ma jiro,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xusay in gobolka Sanaag uu yahay halkii Somaliland laga soo bilaabay, islamarkaana ay Somaliland muddadii ay jirto horumar badan samaysay, isaga oo farriin cadna u diray Soomaaliya, waxana uu yidhi, “Somaliland madax-dhaqameedku iyagaa Sanaag ka bilaaby, shirkii ugu horreeyey ee nabadaynta Somaliland ee 1991-kii, halkanaa (Sanaag) laga bilaabay ilaa iyo Boorama-na wuu socday, haddaannu Somaliland nahayna tani way dhisantay oo wax badan bay qabsatay, gudaheediina way hagaajisatay, inta ka dhimmanna way hagaajisanaysaa, qolada Koonfurta ee Talyaanigu gumaysan jireyna waxan leeyahay annagiina na dhibte oo maalin walba qas iyo dhibaato ayaad nala ag-joogtaan annaguna nabad iyo wanaag baannu wadnaa.”

HALKAN KA DAAWO:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.