Kenya – (warsoor) – Saddex mas’uul oo ka tirsan hay’adaha dawladda Soomaaliya kuwaasi oo dawladda Kenya u diidday inay galaan Nairobi ayaa maanta kusoo laabtay Muqdisho.
Saddexdan ayaa kala ahaa wasiir ku-xigeenka tamarta iyo biyaha Cusmana Libaax Ibraahim iyo laba xubnood oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamanka.

Kenya ayaa laga soo xigtay inay sheegtay inay ahayd mas’uuliyiintaasi fiisooyin ay soo qaataan ka hor imaatinka Kenya.
Dhinaca kale, ciidamada amniga Kenya ayaa la sheegay inay galeen qaar ka mid ah xafiisyada xawilaadaha. Sahra Cabdi Axmed ayaa arrimahan ka waraysatay weriyahayaga Yaasiin Ciise Wardheere.
Xigasho: Voa Soomaaliya
This post is also available in:
Somali