Maskaxdii ka dambeysay Qarixii Zoobe oo cudurka Kansarka la ildaran iyo loolan ka dhextaagan Alshabaab

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa sii kordhaya khilaafka xoogan ee ka dhextaagan horjoogayaasha sare ee maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Alshabaab oo dhuunqabad ku ah umadda Soomaaliyeed iyo Geeska Afrika,kadib markii Hor-oogihii ugu sareeyey xaladiisa caafimaad laga deyriyay.

Xog ay heshey Wakaaladda SONNA ayaa sheegaysa in Horjooge Axmed Abuu Cubeyda oo ah Maskaxdii ka dambeysay Qarixii Dadka badan ay ku dhinteen ee Zoobe ahna Horjoogaha  Argagixisada Al-shabaab uu muddo ku dhow hal sano la xanuunsanaya cudurka Kensarka(Cencer) kaasi oo kaga dhacay caloosha.

Macluumaad aan heleyno ayaa sheegaya in xaaladiisu ay tahay mid aad u liidata islamarkaana anay muuqan rajo ku aadan in uu ka soo kabsado dhagar qabe Abuucubeyda,oo mas’uul ka ahaa dhagaro badan oo loo soo maleegayay umadda Soomaaliyeed tan iyo 2014kii markii duqeyn dhanka Cirka ah lagu dilay horjoogihii hore ee koxdaasi Axmed Godane.

Sidoo kale ilo wareedo aan helnay ayaa tilmaamaya in Maleeshiyada Shabaab ay kala qeybsanaan baahsan soo kala dhexgashey,kadib markii horjoogayaal kala dwuan uu midba hami ka galy in uu hormuud u noqdo falalka lagu gumaadayo umadda Soomaaliyeed oo ku daalay dhibaatooyin sanado jirsaday.

Wararka ayaa sheegaya in ay fooda is dareen oo ay kala fogaadeen horjoogayaal ay kamidka yihiin Xasan Fiidow,Ali Maxamuud Raage Cali Dheere,Mahad Karataay iyo kuwo kale,khilaafkaasi ayaa u muuqda mid aan xalkiisi lahaynin,taasi oo muujinaysa in awoodii Alshabaab uu gabalkeedi sii dhacayo.

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya oo horey ugu waramay SONNA ayaa xaqiijiyay in ay jiraan xogo ku saabsan khilaafkaasi ka dhextaagan horjoogayaasha Alshabaab,kaasi oo ah mid in muddo ah soo jiitamayay.

Dhabar-jabka kale ee ugu weyn ayaa ah Gulufka military oo had iyo jeer ay kala kulmaan ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah,kuwaasi oo maleeshiyada Shabaab ka qabsaday dhul badan,hub,kuwo kalena ay danta ku kaliftay in ay isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Garab kamid ah garabyada ay maleeshiyaadkaasi Alshabaab u kala jabeen ayaa wararku waxay sheegayaan in ay doorteen Xasan Fiidow in uu noqdoo qofka bedelaya horjoogaha xaaladiisu ay liidato ee Abuucubeyda,taasi oo muujinaysa heerka uu gaarsiisanyahay khilaafka koxdaasi.

Dhanka kale warbaahinta Dalka Kenya ayaa siweyn u hadal haysa loolanka ka dhextaagan maleeshiyada alshabaab iyo dhaq dhaqaaqyadooda,iyadoo Jariiradda The Star ee ka soo baxday dalkaasi Kenya lagu daabacay warbixin laga qoray khliaafka Shabaab iyo Xanuunka Abuucubeyda.

Warar dheeraad ah ayaa  sheegaya in horjooge Mahad Karatay oo kooxda u qaabilsan dhanka sirdoonka uu wado qorshe ku aadan  in uu isku soo uruuriyo maleeshiyadaasi Shabaab,si uu afgembi ugu sameeyo qofkasta oo xilkaasi loo dhiibo.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.