Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn uu ku dilay Maleeshiyaad Al-Shabaab ah

Muqdisho – (warsoor) – War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee jooga Qaaradda Afrika, ayaa lagu faah faahiyay duqeymo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Alshabab. Mareykanka ayaa warbixintiisa ku sheegay  inuu Saddex xubnood oo ka tirsan argagixisada Shabaab ah uu ku dilay weerar dhinaca Cirka ah oo ka dhacay deegaanka Toora Toorow ee gobolka SHabeelada Hoose taariikhdu markey ahayd 5t-May ee 2019.

Gregg Olson oo ah Agaasimaha howlgallada Militariga Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xusay inay wadaan baaritaano qiimeyn ah oo ku aadan qasaaraha rasmiga ah iyo xubnaha la dilay in ay ku jireen horjoogayaal sar sare iyo in kale, sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray in aanay jirin waxyeelo soo gaartay shacabka.

Agaasimaha Howlgalka Africom ayaa bayaankani ay soo saareen ku sheegay in howlgaladaasi ay ku taageerayaan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed,oo gulufka kula jira Shabaab.

Si kastaba, Mareykanka ayaa sanadkan bartamaha ku sii dhow waxa uu Soomaaliya ka fuliyay in kabadan 35 weerar, kuwaasoo uu ku dilay 300 oo Shabaab ah, wuxuuna Mareykanka sheegay in weerarada ay yihiin kuwa ay ku wiiqayaan Awooda Shabaab.

Duqeymo dhowr ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka oo aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano droneska ayaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab,taasi oo horseedey in Alshabaab ay wajahaan jab xoogan.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.