Mareykanka oo war ka soo saarey duqeymo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Alshabaab

Africom – (warsoor) – War uu soo saaray Taliska Ciidanka Militariga ee  Mareykanka ee jooga Qaaradda Afrika ee (AFRICOM) ayaa ku faah faahiyay khasaarihii maleeshiyada Alshabaab loogu geystay duqeymihii ka dhacay dhawaan deegaano k atirsan Gobolka Galgaduud.

Duqeynta oo ka dhacday nawaaxiga Degmada Ceelbuur ayuu ku sheegay Mareykanka in lagu dilay 5 kamid ah horjoogayaasha iyo Maleeshiyada Alshabaab kadib markii la bartilmaameedsaday gaari ay saarnaayeen.

Sidoo kale warkaasi qoraalka ah oo uu soo saaray taliska Ciidanka Mareykanka ee AFricom ayaa lagu sheegay in Duqeyntaasi oo dhacday 1-dii bishan Maarso lala beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen xubno ka tirsanaa ururka Al-shabaab, islamarkaana aanay jirin wax khasaare ah oo uu ka soo gaarey dadka rayidka ah.

Taliska  Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in ay sii socondonaan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab,si looga hortago khataraha kooxaha argagixisada.

Sanadkii tagay ayaa Mareykanka waxaa uu kordhiyay weerarada lagu bartilmaameedsanayo xarumaha ay ku dhuumaalaysanayaan maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha Alshabaab,iyagooo fuliyay dhowr weerar oo ka dhacay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,kuwaasi oo lagu dilay xubno badan oo ka tirsan argagixisada Alshabaab.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.