Mareykanka oo sheegay in Ruushka ay go’an tahay weerarka Ukraine

MARAYKANKA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu go’aansaday in uu weerar ku qaado dalka Ukraine, isaga oo intaa ku daray in weerarka uu dhici karo maalmaha nagu soo aadan.

Biden wuxuu sheegay in qiimeyn uu sameeyay sirdoonka Mareykanka, lagu ogaaday in ugu horeeyn duulaanka Ruushka lagu beegsan doona magaalada caasimadda ah ee Kiev.

Waddamada Reer Galbeedka ayaa ka cabsi qabaa in Ruushka uu isku dayo in uu qalalaaso been abuur ah uu ka huriyo gobollada dhaca bariga Ukraine si uu marmarsiinyo uga dhigto duullaanka.

Maraykanku ayaa sheegaya  in Ciidamamo gaaraya 169,000-190,000,  oo Ruush ah ay ku sugan yihiin xeeyndaabka Ukraine, tiradaas oo ay ku jiraan dagaalyahannada uu Ruushku taageero ee ka howlgallo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taagga ee Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine.