Mareykanka oo Falastiin iyo Isreal ku boorriyay soo celinta xasilloonida

WASHINGTON — (WARSOOR) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Sabtidii la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo hoggaamiyaha Falastiin Mahmud Abbas, waxaana uu dib u xaqiijiyay taageerada Mareykanka ee “xalka laba dal” oo gobolka ka hergala, isaga oo labada hoggaamiye weydiistay in xasilloonida dib loo soo celiyo.

Blinken ayaa khadka telfoonka kula hadlay labada hoggaamiye, si uu ugu xaqiijiyo ka go’naanta Mareykanka ee ah “xal laba dawladood ah oo laga wadahadley kana soo horjeeda siyaasadaha halista gelinaya jiritaanka arrintaasi,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ned Price.

“Xoghayaha waxa uu hoosta ka xarriiqay baahida degdegga ah ee loo qabo in Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay qaadaan tillaabooyin soo celinaya xasilloonida iyo diidmadeenna xooggan ee tallaabooyinka halka dhinac ah ee sii kordhinaya xiisadda.”

Hadalkan ayaa daba socday go’aan ay dawladda cusub ee midigta-adag ah ee Israa’iil ku bixisay oggolaansho deegaamayn badan ah oo laga sameeyo Daanta Galbeed ee dhulka la haysto — tallaabadaasi oo dhaleecayn adag ay kasoo saareen quwadaha waaweyn oo uu ku jiro Maraykanka.