Mareykanka oo Digniin kasoo saaray weeraro Al-Qaacida geysan karto

Maraykanka – (warsoor) – Mark Milley, oo ka mid ah janaraallada ugu sarreeya militariga Mareykanka, ayaa ka digay in ururka argagixisada ah ee Al-Qaacida ee ku sugan dalka Afghanistan ay halis ugu noqon karaan Mareykanka wax ka yar 12 bilood gudahood.

“Taliban ma aysan jarin xiriirkii ay la wadaagayeen kooxda mas’uulka ka ah weerarkii 9/11, iyaga laftooduna wali waa argagixiso,” ayuu yiri Janaraal Milley.

Isaga iyo wasiirka gaashaan dhigga, Lloyd Austin, ayaa su’aalo lagu weydiiyay aqalka Wakiillada ee Congress-ka, si ay sharraxaad uga bixiyaan go’aankii bishii lasoo dhaafay ciidanka Mareykanka looga soo saaray dalka Afghanistan.

Dowladdii ka jirtay Afghanistan ayaa burburtay islamarkii ay Taliban si xowli ah horumar uga sameeyeen dagaalka ay dib ugu qabsanayeen waddankaas.

Senator Jack Reed oo ah guddoomiyaha guddi ka tirsan aqalka ayaa sheegay in xildhibaannada ay doonayeen inay fahmaan in Mareykanka uu fahmi waayay waxyaabo bidhaaminayay” burburka dowladda.