Mareykanka iyo Canada oo heshiis ka gaaray qul-qulka muhaajiriinta

Maraykanka – (WARSOOR) – Canada iyo Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa inay heshiis ka gaareen waxa laga yeelayo soo galootiga sida sharci darrada ku galaya dalalkooda.

Heshiiska ay gaareen ayaa lagu magacaabaa heshiiska dalka saddexaad ee nabdoon, kaasoo soogalootiga faraya inay iska dhiibaan dalka ugu horreeya ee nabdoon ee ay tagaan, halka ay dal kale uga sii gudbi lahaayeen.