Mareykanka: Daadgureyn la mid ah tii Afghanistan kama dhici doonto Ethiopia

MARAYKANKA – (WARSOOR) – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku boorisay muwaadiniinteeda inay ka baxaan dalka dagaallada ay la degeen Ethiopia, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Mareykanky waxay shacabka u sheegeen inaysan jiri doonin daad-gureyn la mid ah tii Afghanistan, oo maalmihii ugu dambeeyey kahor qabashashada Taalibaan ay militariga kasoo qaadeen kumanaan qof.

Safaaradda Mareykanka ayaa baaqan wadday maalmo, waxayna u sheegeysaa shacabka inay duulimaadyada rayidka uga baxaan dalka Ethiopia, halkaas oo ay suurta-gal tahay in mucaaradka ay usoo ruqaansadaan caasimadda Addis-Ababa.

Safaaradda ayaa deyn u yaboohday kuwa aan awoodin inay si deg deg ah u iibsadaan tikit.

“Waxa aan sidaas u sameyneyno ma ahan inaynan rajo ka qabin nabad balse waa inaan nahay kuwa garowsho leh,” ayuu yiri Ned Price oo ah afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda.

Waxa uu sheegay inuu ka cabsi qabo “jahwareer” ka dhex dhaca shacabka oo ah “wixii aan ku aragnay Afghanistan waa wax dowladda Mareykanka ay ka sameyn karto meel kasta oo dunida ka mid ah.”

Mareykanka ayaa kahor iyo kadib maalmihii ay Taalibaan soo galeen Kabul waxay soo daad-gureeyeen 123,000 oo qof oo isugu jira shacab Mareykan ah iyo Afghaaniyiin la shaqeyn jiray iyo qoysaskooda.

“Wixii aan Afghanistan ka sameynay waxay ahaayeen gaar, hase yeeshee ma ahan wax ay dowladda Mareykanka mar kale ka sameyn karto meel kale oo dunida ah,” ayuu yiri Price.

“Ma jirto sabab ay dadka Mareykanka u sugaan illaa daqiiqadda ugu dambeysa si ay duulimaad rayid uga baxaan dalka ku yaalla Geeska Afrika.”