Maraykanka oo lagu maxkamadaynayo madaxweynihii hore ee Honduras

TEGUCIGALPA, HONDURAS — (WARSOOR) – Dalka Honduras ee ku yaalla Ameerikada dhexe ayaa Maraykanka u gacan gelisay madaxweynihii hore ee dalkaas Juan Orlando Hernandez, si uu u waajaho eedo la xidhiidha ka ganacsiga daroogada iyo hubka. Madaxweynaha hore ee Hondorus ee Maraykanka loo gacangeliyey ayaa mar ahaan jiray xulafada ugu muhiimsan Maraykanka ee la dagaalanka daroogada.

Madaxweyne Hernandez oo xilka ka sii maqnaa saddex bilood oo keliya ayaa isaga oo katiinadaysan waxaa lagu wareejiyey saraakiil ka tirsan waaxda la dagaalanka daroogada ee dalka Maraykanka ee loo yaqaan DEA, kuwaas oo diyaarad khaas ah ku soo qaaday, waxaana la filayaa inay maxkamadi uga bilaabanto magaalada New York.

Sida ku cad waraaqaha maxkamadda loo gudbiyey, dacwad-oogayaasha Maraykanka ayaa madaxweynihii hore ee Honduras ku eedaynaya inuu ku lug yeeshay musuq-maasuq iyo rabshado gacan ka hadal watay oo la xidhiidhay ka ganacsiga daroogada si loo fududeeyo in dalka Maraykanka la soo geliyo daroogada CoCaine-ta oo aad u badan.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegaya in madaxweyne Hernandez uu malaayiin dollar ka helay kooxaha ka ganacsada daroogada oo uu ka mid yahay El Chapo Guzman oo ah nin u dhashay dalka Mexico oo caan ku ah ka ganacsiga daroogada.

Dacwad oogayaasha Maraykanka ayaa Madaxweynaha hore ee Honduras ku eedeeyey in lacagaha uu ka helo kooxaha ka ganacsada daroogada inuu ku maalgeliyey ololihiisa doorashada iyo hawlihiisa siyaasadeed isaga oo taas beddelkeeda u sahlay in saraakiisha dawladdu ay la shaqeeyaan, isla markaana ay macluumaadka la wadaagaan, kooxaha ka ganacsada daroogada si ay uga baxsadaan in gacanta lagu dhigo.

Madaxweyne Hernandez ayaa xabsiga loo taxaabay bishii February ee sannadkan, ka dib codsi ka yimi masuuliyiinta dalka Maraykanku. Madaxweynaha ayaa saxaafadda horteeda lagu hor katiinadeeyey, arrintaas oo ahayd muuqaal aanayd shacabka Honduras weligood filaynin inay arkaan.

Maxkamadda sare ee Honduras ayaa diidday racfaan uu madaxweyne Hernandez ka qaatay go’aan ay hore maxkamadi u soo saartay oo la xidhiidhay in loo gacan geliyo dalka Maraykanka.

Madaxweyne Hernandez ayaa isagu marar kala duwan beeniyey eedaha loosoo jeediyey. Muuqaal la sii daayey maalinimadii khamiista ayuu madaxweyne Hernandez ku sheegay inaanu wax dembi ah gelin, isaga oo sheegay in si caddaalad darro ah dacwad loogu oogay.

Madaxweyne Hernandez ayaa sheegay inuu dhibbane u yahay kooxo ka ganacsada daroogada oo uu u soo gacan geliyey [Maraykanka] kuwaas oo been ka sheegaya si ay uga aargutaan.

Madaxweyne Juan Orlando Hernandez ayaa xilka dalka Honduraz qabtay sannadkii 2014, isaga oo dalkaas soo maamulayey illaa laga soo gaadho bishii January ee sannadkan 2022.