Man United Oo Badalka Paul Pogba Ka Dhex Heshay Premier League

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay bartilmaameed ka dhigato xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leicester City Youri Tielemans xagaaga soo aadan, haddii Paul Pogba uu ka tago kooxda.

Pogba ayay wax 12 bilood ka yar uga hadhsanyihiin heshiiskiisa kooxda Man United walina heshiis cusub ma ogolaan si uu u sii joogo kooxda waxana lala xidhiidhinayaa kooxaha PSG iyo Real Madrid.

United ayaa donaysa in ay sii haysato xiddiga khadka dhexe laakiin hadii uu go’aansado in uu isaga tago kooxda waxa ay u dhaqaaqi doontaa xiddiga Leicester City ee Tielemans sida laga soo xigtay Manchester Evening News.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xiddiga Borussia Dortmund ee Jude Bellingham uu sido kale yahay xiddig ay United batilmaameed ka dhigan doonto suuqa xagaaa dame.

Tielemans Ayaa muhiim u ah kooxda leciester City isaga oo kooxda kula guulaystay koobka FA Cup-ka xilli ciyaareedkii hore haatan waxa uu kula jiraa heshiis 2 sano ka dhimantahay.